Manchester United ayaa wadahadalo lama filaan ah kula jirta Roma, kuwasoo ku aadan xiddiga khadka dhexe ee Casemiro oo macquul ay tahay inuu u dhaqaaqo Serie A qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.
Sida laga soo xigtay Sky Sports, Roma ayaa la soo xiriirtay Man Utd si ay wax kaga weydiiso heshiis amaah ah oo ay ku doonayaan Casemiro bishaan.
Man Utd ayaa doorbideysa inay si toos ah u iibiso xiddiga reer Brazil, laakiin sidoo kale waxay diyaar u yihiin inay amaah ku bixiyaan halyeeygaan inta ka dhiman xili ciyaareedka.
Casemiro ayaa xiiseynaya inuu ku biiro kooxda ka ciyaarta Serie A, inkastoo ay dhaqaaqidu dhici karto kaliya hadii Leandro Paredes uu marka hore ka tago kooxda.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Argentine ayaa dalab ka helay Boca Juniors, sidaas darteed Roma ayaa u aragta Casemiro bedelka ugu macquulsan.
Casemiro waxa uu dheeri ku yahay Old Trafford, isagoo aan kujirin qorshaha tababare Ruben Amorim ee Manchester United.
Man Utd ayaa isku dayday inay iska iibiso ciyaaryahanka bishaan, waxaana laga yaabaa inay haatan aqbasho dalabka amaahda ah ee Roma.