Manchester United ayaa dooneysa goolhaye cusub oo la tartama Andre Onana, waxaana ay damacsan yihiin inay helaan goolhayaha Botafogo John Victor ( Alan Nixon)
Weeraryahanka Brighton & Hove Albion Joao Pedro ayaa durba wadahadalo kula jira labada kooxood ee Man Utd iyo Liverpool si uu ugu biiro bisha Janaayo. (Trivela – Brazil)
Liverpool iyo Arsenal ayaa labadooduba diyaar u ah inay dalabyo u dhexeeya 50 ilaa 60 milyan ginni u gudbiyaan Joao Pedro, halka Manchester City ay sidoo kale qorshayneyso inay dalab ka gudbiso xiddiga reer Brazil bisha Janaayo. (Caughtoffside)
Barcelona ayaa kala xaajooneysa daafaca dhexe ee Andreas Christensen Newcastle United si lacagaha ay ka helaan ugu diiwaan galiyaan Dani Olmo. (El Nacional – Spain)
Chelsea ayaa isha ku haysa in ay Arsenal, Real Madrid iyo Inter ku garaacdo saxiixa 18 jirka daafaca dhexe uga ciyaara Palmeiras Vitor Reis. (GOAL)
Kooxda reer Brazil ee Botafogo ayaa isku diyaarinaysa in ay West Ham United u soo bandhigto weeraryahankeeda Igor Jesus si uu qayb uga noqdo dalabka ay ku dooneyso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Lucas Paqueta. (The Sun)
Man City ayaa xiiseyneysa inay dib ula soo saxiixato daafaca midig ee Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong. (Football Insider)
Kooxda Real Madrid ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Dominik Szoboszlai waxaana ay diyaar u yihiin in ay isku dayaan saxiixa xiddiga reer Hungary sanadka 2025 (Fichajes – Spain).
Newcastle ayaa isku dayi doonta in ay Arsenal iyo Liverpool kula tartanto baacsiga xiddiga khadka dhexe uga ciyaara West Ham ee Mohammed Kudus. (The Mirror)
Tababaraha Tottenham Ange Postecoglou ayaa doonaya weeraryahan awood u leh inuu ka ciyaaro labada garab wuxuuna soo diyaariyay liis ay ku jiraan xiddiga Club Brugge Andreas Skov Olsen, kan Midtjylland Dario Osorio iyo kan Lyon ee Rayan Cherki. (GIVEMESPORT)
Daafaca dhexe ee Atalanta Ben Godfrey ayaa ku soo laaban kara Premier League bisha Janaayo, iyadoo Nottingham Forest iyo Wolverhampton Wanderers ay labaduba xiiseynayaan daaficii hore ee Everton. (The Sun)