Kabtankii hore ee Liverpool ee Jordan Henderson ayaa dib ugu soo laabanaya horyaalka Premier League, waxaana uu ka tegayaa kooxda Sucuudiga ee Al-Ettifaq oo uu lix bilood ka hor u wareegay. Henderson ayaa haysta dalabyo waaweyn oo uga yimid horyaalka Premier League. (Mail)
Gonor Gallagher ayaa la filayaa inuu kusii negaan doono kooxdiisa Chelsea bishan January, inkasta oo ay xiisaynayso Tottenham oo doonaysa inay la saxeexato 23 jirkan reer England. (Mirror)
Chelsea waxay hoggaanka u haysaa kooxaha doonaya inay la saxeexdaan Jordan Henderson, balse waa haddii uu Conor Gallagher ka tago oo kaliya. (Football.lONDON)
Manchester United waxa ay doonaysaa khadka dhexe ee Crystal Palace iyo xulka France ee Michael Olise oo 22 jir ah, waxaase ay Crystal Palace u bandhigi doontaa Aaron Wan-Bissaka oo qayb ka noqon doona heshiiska. (Star)
Manchester United waxay kusii dhowaanaysaa saxeexa weeraryahanka reer Guinea ee Serhou Guirassy oo tababare Erik ten Hag uu doortay in uu noqdo saxeexiisa xagaagan. Serhou Guirassy oo 16 ciyaarood oo uu u saftay Stuttgart xilli-ciyaareedkan u dhaliyey 19 gool ayaa lagu heli karayaa 15 milyan oo Gini oo kaliya. (Mirror)
Everton waxay isku dayaysaa inay ka hor qaaddo Sevilla xiddiga Manchester United ee Hannibal Mejbri oo amaah kaga tegaya Manchester United. (Fabrizio Romano)
Manchester City ayaa go’aansatay in ay xagaaga u dhaqaaqdo saxeexa khadka dhexe ee Bayern Munich ee Joshua Kimmich, markaas oo la filayo inuu hoos u dhaco qiimihiisu, laakiin waxa ay tartan kala kulmayaan kooxo kale oo ay ku jirto Liverpool. (Mirror)
Khadka dhexe ee Manchester City ee Kevin de Bruyne oo 32 jir ah, waxa uu bartilmaameed u yahay kooxaha waaweyn ee lacagta badan haysta ee Sucuudiga. Xagaaga ayaa ay suurtogal tahay inuu ka xidh-xidho Etihad Stadium. (Football Insider)
Borussia Dortmund waxay si dhow ula socotaa difaaca bidix ee Chelsea ee Ian Maatsen oo la sheegay inay heshiis hordhac ah oo amaah lix bilood ah la gaadhay. Dortmund ayaa uu qorshaheedu yahay inay si buuxda ula wareegto 21 jirkan. (Sky Sport)
Weeraryahanka Argentina ee Lautaro Martinez oo 26 jir ah, ayaa sheegay in uu u dhow yahay inuu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa Inter Milan. (Sportitalia)
Juventus ayaa isku dayaysa inay heshiis shaqsi ah la gaadho difaaca dhexe ee reer Portugal ee Tiago Dialo oo ah 23 jir u ciyaara Lille, kaas oo sidoo kale ay doonayso Inter Milan. (Fabrizio Romano)
Bayern Munich ayaa go’aansatayin aanay ka hadhin difaaca Barcelona ee Ronald Araujo, waxaanay mar kale isku dayi doonaan inay la saxeexaan xagaaga. 24 jirkan oo heshiis waqti dheer ah kula jira Barcelona ayaa lagu qiimeeyey 100 milyan oo Euro. (Sky Sport)
Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta lama filayo inuu dib ugu yeedho difaaca bidix ee reer Scotland ee Kieran Tierney oo ah 26 jir amaah ugu maqan Real Sociedad. Laacibkan ayaa caddeeyey in aanu doonayn inuu waqtigan ku laabto Gunners. (Football Insider)
Weeraryahanka West Ham iyo xulka Jamaica ee Michail Antonio oo 33 jir ah, waxa uu garoomada kasii maqnaan doonaa laba illaa saddex toddobaad, sababtoo ah waxa uu dibu-dhac ku yimid waqtigii loo qorsheeyey inuu kasoo kabto dhaawaca. (Telegraph)