Khabiirka Sky Sports Jamie Carragher ayaa carabka ku adkeeyay in kulankii shalay ee semi-finalka FA Cup inuu go’aamiyay in la ceyrinayo tababare Erik ten Hag dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Carragher ayaa sheegay in ciyaartoyda Man United ay dareemayaan ceeb weyn inkastoo ay rigoore ku badiyeen.
Sababta ayaa ah in United laga keenay hogaan 3-0 ah iyadoo kooxda heerka labaad ay barbareysay xilli sidoo kale gool offside looga diiday waqtigii dheeriga ahaa.
Carragher ayaa yiri: “Waxaan aaminsanahay in kulanka maanta uu go’aamiyay in shaqada laga ceyrinayo tababaraha Manchester United. Ma arko qaab uu ku sii joogo kooxda.
“Waa qasab inay yihiin qolka labiska ee ceebta ugu weyn dareemaya ka dib ciyaar ay badiyeen.”
Ten Hag ayaase ka soo horjeestay fekerka ah in kooxdiisa ay ceebeysan yihiin madaama ay hogaan 3-0 ah u waayeen koox heerka labaad ah islamarkaana ay rigoore ku badiyeen.
“Waa waali in la yiraahdo ceeb ayaan dareemeynaa.” ayuu yiri. “Waxaad u baahan tahay hub aad ku maareyso xaaladaan. Dhaawacyada aan qabno ma aanan heysanin hubkaas. Xitaa ma heysano afarta daafac danbe oo boosaskooda ugu fiican ka dheelaya.
“Ugu danbeyn waa guul weyn inaan gaarnay final sannadkii labaad oo isku xigta. Waan arkaa qaladaadka aan sameynay laakiin ma ahan ceeb.”