Ten Hag ayaa dejiyay qorsho uu Hojlund kaga qayb dhigaya heshiis is dhaafsi ah oo ay United ku dooneyso Weeraryahanka Napoli Victor Osimhen.
25-sano jirkaan ayaa xaday indhaha kooxo badan intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkii 2022-23, markii uu ka caawiyay kooxda Talyaaniga inay ku guuleysato horyaalkoodii ugu horreeyay ee Seria A in ka badan soddon sano, isagoo dhaliyay 26 gool 32 kulan oo uu saftay.
Napoli ayaa awoodi wayday inay xajisato horyaalkeeda Talyaaniga xilli ciyaareedkii hore, si kastaba ha ahaatee Osimhen ayaa weli ku riyaaqaya xilli ciyaareed wax soo saar leh, isagoo dhaliyay 17 gool tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan labo gool oo Champions League ah.
Kooxo badan oo Yurub ka dhisan ayaa loo aqoonsaday inay xiiseynayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria sanadkan, oo ay ku jiraan Arsenal, Chelsea iyo kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee Paris Saint-Germain, kuwaas oo doonaya inay u dhaqaaqaan ka dib bixitaankii Kylian Mbappe oo ku biiray Real Madrid.
Hadda oo uu Napoli tababare u yahay Antonio Conte ayaa qorsheynaya inuu beddelo nidaamka iyo qorshaha Napoli haddii Osimhen uu tago, iyadoo tababarihii hore ee Chelsea uu rajeynayo inuu Romelu Lukaku ka soo qaato Stamford Bridge.
Man United ma u adeegsan doontaa Hojlund heshiiska Osimhen?
Sida wararka ay sheegayan Man United ayaa isha ku haysa inay wax waliba u sameyso sidii ay ku heli lahayd gool dhaliyahan halista badan.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Red Devils ay diyaar u tahay inay heshiis ciyaaryahan iyo lacag caddaan ah kula wareegto weeraryahanka Napoli Osimhen kaasii oo uu ku jiro Hojlund oo ku wajahan dhanka kale.
Iyadoo Osimhen uu qandaraaskiisa lagu burburin karo 110 milyan ginni, waxaa la fahamsan yahay in kooxda Erik ten Hag aysan dooneynin inay bixiyan lacagta intaas la eg balse Hojlund ay u adeegsato.
Waxaa la soo jeedinayaa in Red Devils ay mar hore isku dayday inay Hojlund heshiiska Osimhen ugu soo bandhigto Napoli, waxaana heshiiskan uu noqon karaa mid dhab ah xagaagan.
Intii lagu jiray xilli ciyaareedkii labaad ee Ten Hag ee Old Trafford, Man United waxa ay soo martay wakhti adag guud ahaan, iyada oo hoos ugu dhacday kaalinta sideedaad ee Premier League.
warbixino badan ayaa muujinaya in Hojlund, Kobbie Mainoo iyo Alejandro Garnacho ay yihiin xiddigaha kaliya ee kooxda koowaad ka badbaadaya in la fasaxo.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo rabitaanka ah inay lasoo saxiixato weeraryahan heer caalami ah oo kasoo muuqan kara Premier League, Man United ayaa qarka u saaran inay ka takhalusto xiddiga heerka caalami ee dalka Denmark Hojlund.