Manchester United ayaa u janjeedhsatay dhinaca tababaraha Brentford ee Thomas Frank si uu ugu beddelo Erik ten Hag oo ay suurtogal tahay in shaqada laga caydhiyo dhamaadka xilli-ciyaareedka. (Football Insider)
Sir Jim Ratcliffe waxa qorsheyaasha uu ku xoojinayo Man United uu ku darsaday garabka weerarka Crystal Palace ee Michael Olise oo ah 22 jir u dhashay waddanka France iyo Johan Bakayoko oo weerarka uga ciyaara PSV Eindhoven, laakiin laacibkan dambe ee reer Belgium waxa ku haysta Liverpool iyo Man City oo kula tartamaya. (Team Talk)
Tottenham waxa ay doonaysaa inay heshiiska amaahda ah ee Timo Werner u beddesho heshiis rasmi ah iyaga oo bixinaya kaliya £14.5 milyan oo Gini. (FourFourTwo)
Arsenal waxa ay diyaarisay £51 milyan oo Gini oo ay ku doonayso difaaca Sportin Lisbon iyo xulka Ivory Coast ee Ousmane Diomande oo 20 jir ah. (Record)
Khadka dhexe ee Aston Villa ee Nicolo Zaniolo waxa uu doonayaa inuu dib ugu laabto waddankiisa Talyaaniga marka uu soo dhamaysto amaahda uu soo dhamaysto amaahda ay Galatasaray ugu dirtay Aston Villa. (Corriere dello Sport)
Weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland oo 23 jir ah, waxa uu doonayaa in ciyaarta wareegga sideedda Champions League ee Real Madrid uu ugu muujiyo Los Blancos in uu doonayo in mustaqbalka uu ka ciyaaro Santiao Bernabeu. (AS)
Aston Villa iyo Everton waxa ay xiisaynayaan 20 jirka Barcelona ee Fermin Lopez oo koox walba ay dhinaceeda u doonaysay suuqii January. (Sport)
Bayer Leverkusen waxa ay ka mid noqotay liiska kooxo reer Yurub ah oo doonaya inay la saxeexdaan goolhayaha da’yarta Everton ee Douglas Lukjanciks oo ay da’diisu tahay 16 jir. (Mirror)
Liverpool waxa ay Man United kula tartami doontaa saxeexa weeraryahanka Juventus iyo xulka Talyaaniga ee Federico Chiesa oo 26 jir ah. (Team Talk)
Man United waxa ay go’aansatay in dhamaadka xilli-ciyaareedka ay iska dirto khadka dhexe ee reer Morocco ee Sofyan Amrabat oo xagaagii ay amaah kaga soo qaadatay Fiorentina. Heshiiska amaahda ayaa dhigayay in Man United ay bixiso £17 milyan oo Gini si ay qaab xor ah ugula wareegaan. (Calciomercato)