Sporting CP waxay diyaar u tahay inay aqbasho dalab £63 milyan ah oo ku saabsan Viktor Gyokeres xagaaga soo socda, sida laga soo xigtay warbaahinta Portugal.
Xiddiga caalamiga ah ee reer Sweden ayaa ahaa mid qaab ciyaareed wanaagsan ku jira tan iyo markii uu ugu dhaqaaqay Portugal heshiis £20 milyan ah sannadkii hore, isagoo dhaliyay 66 gool 67 kulan dhammaan tartamada.
Manchester United, Arsenal iyo Chelsea ayaa dhamaantood xiiseynaya Gyokeres, iyadoo tababaraha cusub ee United Ruben Amorim la weydiiyay suurtogalnimada uu ugu dhaqaaqi karo weeraryahankan kadib guushii 4-1 ee Sporting ka gaadhay Manchester City habeenkii Talaadada.
Gyokeres waxaa heshiiskiisa Sporting ku jiraa hal xeer oo lagu burburin karo, si kastaba ha ahaatee, wargeyska The Telegraph ayaa sheegaya in kooxda reer Portugal ay diyaar u noqon doonto inay 26-jirkaas ku fasaxdo £63m dhamaadka xilli ciyaareedka.
Amorim ayaa sheegay inuusan qorsheyn inuu Gyokeres keeno United kadib markuu furmo suuqa bisha Janaayo, laakiin waxa uu soo jeediyay in weeraryahanka uu ka tagi karo xagaaga soo socda Sporting.