Manchester United ayaa qorshaynaysa inay isbeddel ku samayso khadkeeda difaaca xagaaga, waxaana seegtu ay qaadi doontaa Harry Maguire iyo Victor Lindelof oo tegi doona. (ESPN)
Difaaca Juventus iyo xulka Netherlands ee Matthijs de Ligt oo 24 jir ah ayaa ka mid ah difaacyahannada ay Manchester United doonayso inay la saxeexato xagaaga. (Gazzetta dello Sport)
Fulham waxay dalab £30 milyan oo Gini oo kaash ah iyo £5 milyan oo Gini oo kale oo ku xidhan bandhiggiisa ay ka gudbisay khadka dhexe ee kooxda Fluminense iyo xulka Brazil ee Andre. Fulham ayaa mar horeba dhamaystirtay heshiiska shaqsiga ah ee Andre. (Ben Jacobs)
Tababaraha Sporting Lisbon ee Ruben Amorim ayaa sheegay in Chelsea ay ku qasban tahay inay bixiso qiimaha lagu burburin karayo qandaraaska weeraryahanka reer Sweden ee Viktor Gyokeres oo ah £85.6 milyan oo Gini, haddii ay doonayso saxeexa 25 jirkan. (Goal)
West Ham waxay ka mid tahay kooxaha xiisaynaya khadka dhexe ee Man City iyo England ee Kalvin Phillips oo doonaya inuu iskaga tago City bishan January, si uu u helo waqti ciyaareed oo uu kaga mid noqdo xulka England ee Euro 2024 ee lagu qabanayo waddanka Jarmalka. (Standard)
Manchester City waxay dhinaceeda doonaysaa difaaca midig ee kooxda Tottenham iyo xulka Spain ee Pedro Porro oo 24 jir ah iyo khadka dhexe ee Aston Villa iyo Brazil ee Douglas Luiz oo 25 jir jir ah, laakiin waxa ay u baahanayaan lacag gaadhaysa £200 milayn oo Euro si ay ula saxeexdaan labadan ciyaartoy. (Football Insider)
Kooxaha horyaalka Sucuudigu waxay diyaar u yihiin inay xagaaga qasnaddooda u jabiyaan weeraryahanka Masar iyo Liverpool ee Mohamed Salah. (90 min)
Newcastle waxa suurtogal ah inay iibiso khadka dhexe ee reer Brazil ee Joelinon xagaaga, haddii uu diido inuu u kordhiyo qandaraaskiisa oo ay 18 bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin waqtiga uu dhamaanayo. (Mail)
Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema waxa uu doonayaa inuu iskaga tago kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ittihad bishan January, waxaana la rumaysan yahay in 36 jirkan uu doonayo inuu tago Ingiriiska inkasta oo kooxaha Chelsea am Arsenal aanay awoodi karayn inay bixiyaan mushaharkiisa. (Standard)
Kubbad-sameeyaha Tottenham ee James Maddison oo 27 jir ah, waxa uu kasoo laaban doonaa dhaawac jilibka ahaa kulanka Manchester City ee January 26 ee wareegga afraad ee FA Cup. (Telegraph)
Khadka dhexe ee Everton ee Amadou Onana ayaa lala xidhiidhinayaa Arsenal, laakiin tababaraha Everton ee Sean Dyche waxa uu hoos u dhigay hadal-haynta 22 jirkan ku xidhiidhinaysa Gunners. (90 min)
Ma Ahan Cayaartoy Juventus Ah Waa Cayaaryahan Bayern Munich Ah Halkaas Iska Saxa