Manchester United ayaa lagu waramayaa inay diyaar u tahay inay Jadon Sancho iska iibiso iyagoo doonaya inay xiddig kale ku soo bedeshaan.
Xiddiga Ingariiska ayaa waxay isku dhaceen tababare Erik ten Hag bishii September ee sannadkii la soo dhaafay, waxayna taasi keentay in Sancho amaah lagu siiyo kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund bishii Janaayo taasoo u ogolaatay inuu helo waqti uu ku ciyaaro.
Ten Hag ayaan ogolaanin soo laabashada xiddiga ku fadhiya 73 milyan ginni, wuxuuna doonayaa inuu ku soo bedesho xiddig kale oo u dheela Borussia Dortmund Donyell Malen.
Waxaa sidaasi sheegtay jariirada Bild, kuwaasoo sheegay in United ay xiiseyneyso inay Jadon Sancho ku soo bedeshaan Malen.
Wargeyska Jarmalka ayaa si kastaba sheegay in Arsenal iyo Liverpool ay sidoo kale xiiseynayaan xiddiga reer Netherlands.
Malen oo 25 sanno jir ah ayaa qaab ciyaareed fiican u soo bandhigaya Dortmund xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 13 gool iyo shan caawin 33 kulan uu saftay tartamada oo dhan.
Sancho oo 23 sanno jir ah ayaa dhaliyay hal gool iyo hal caawin sagaal kulan uu ka ciyaaray horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.
Qandaraaska Sancho ee Man United wuxuu dhacayaa xagaaga 2026ka.