Juventus ayaa rajaynaysa in ay xiddiga reer England ee Jordan Henderson lix bilood oo amaah ah kaga soo qaadan doonto kooxda reer Saudi Arbia ee Al-Ettifaq, sidoo kalena ay awoodi doonto inay si rasmi ah u haysato. (Gazzetto dello Sport)
Chelsea iyo Liverpool ayaa danaynaya inay la saxeexdaan 26 jirka khadka dhexe uga ciyaara Newcastle United iyo xulka Brazil ee Bruno Guimaraes. (Fichajes)
Manchesrter United waxay wada-hadallo la furtay Benfica oo ay ka doonayso khadka dhexe ee reer Portugal ee Joao Neves oo qorshahoodu yahay inay xagaaga lasoo wareegaan. (Mirror)
Shirkadda Maraykanka ee maalgelinta ee 777 Partners ayaa luminaysa rajadii ahayd inay maalgeliso Everton oo horyaalka Premier League uu u ansixiyey inay la wareegaan. (Football Insider)
Sevilla waxa ay wali rajaynaysaa inay la saxeexan doonto khadka dhexe ee Manchester United iyo Tunisia ee Hannibal Mejrbi oo 20 jir ah, kaas oo ay sidoo kale amaah ku doonayso Everton. (Telvolo)
Fulham waxa ay tartan kula jirtaa FC Porto oo ay isku haystaan difaaca reer Turkey ee Caglar Soyuncu oo ah 27 jir u ciyaara Atletico Madrid. (A Bola)
Juventus waxay ay Napoli iyo Galatasaray kula soo biirtay tartanka loogu jiro saxeexa 25 jirka reer Belgium ee Orel Mangala oo khadka dhexe uga ciyaara Nottingham Forest, kaas oo la sheegay in amaah lagu heli karayo bishan January. (Sky Germany)
Brentford waxay wada-hadallo kula jirtaa difaaca Tottenham ee Sergio Reguilon oo dhowaan ay fasaxday Manchester United. (Metro)
Sevilla waxay heshiis la gaadhay weeraryahanka Manchester United ee Mateo Mejia oo u dhashay waddanka Colombia. 20 jirkan ayaa ka degi doona Spain. (Fabrizio Romano)
Chelsea waxay diyaar u tahay inay bixiso £52 milyan oo Gini oo lagu burburin karayo qandaraaska Estevao Willian oo ah 16 jir reer Brazil ah oo garabka uga ciyaara Palmeiras. (Sport)
Bayern Munich waxay doonaysaa inay la saxeexato difaaca PSG ee Nordi Mukiele oo maalmaha soo socda u duuli doona waddanka Germany. (Fabrizio Romano)