Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa noqday labada kooxood ee iskugu soo hadhay tartanka loogu jiro weeraryahanka kooxda Napoli iyo xulka Nigeria ee Victor Osimhem oo ah 25 jir ay kooxdiisu shaacisay in la iibinayo xagaaga. (Independent)
Newcastle United waxay qarka u saaran tahay heshiis cusub oo ay ka saxeexdo khadka dhexe ee reer Brazil ee Joelinton, iyadoo 27 jirkan uu qandaraaskiisa hadda ka hadhsan yahay waqti kooban. (Telegraph)
Liverpool waxa ay diyaar u tahay inay bixiso lacag rikoodh jabis ah si ay u hesho tababare Xabi Alonso, kaas oo kooxdiisa Bayer Leverkusen ay ku xidhayso £21 milyan oo Gini. Waxa kale oo ay Reds diyaar u tahay inay laba-jibbaarto mushaharka macallinkan. (Mirror)
Bayern Munich ayaa wada-hadallo hordhac ah la yeelatay Xabi Alonso, waxaanay doonayaan inay uga hormaraan Liverpool si uu ugu beddelo Thomas Tuchel. (Sky Sports)
Chelsea waxa ay calaamadsatay labada tababare ee Roberto De Zerbi oo ah macallinka Brighton iyo Ruben Amorim oo ah taabaraha Sporting Lisbon, kuwaas oo ay midkood ka dhiganayso beddelka Mauricio Pochettino. (Guardian)
Tiro ka mid ah ciyaartoyda kooxda Manchester United ayaa rumaysan in tababare Erik ten Hag shaqada laga caydhin doono dhamaadka xilli-ciyaareedkan. (Mail)
Tababaraha Tottenham ee Ange Postecoglou ayaa iska diidaya Liverpool haddii ay soo dalbato xagaaga, si uu ugu beddelo Jurgen Klopp. (Football Insider)
Manchester United waxa uu qorshaheedu yahay inay iska iibiso 23 jirka reer England ee Jadon Sancho oo hadda amaah ugu maqan Borussia Dortmund. (Football Insider)
Real Madrid waxay diyaar u tahay inay sare u qaaddo qiimaha ay ku doonayso difaaca bidix ee Bayern Munich iyo xulka Canada ee Alphonso Davies, waxaanay dalabkeeda gaadhsiin doontaa illaa £43 milyan oo Gini. (Cadena Ser)