Weeraryahanka Man City ee Erling Haaland ayaa bartilmaameed u noqday Barcelona oo doonaysa inay la saxeexato xagaaga 2025 ama dhamaadka xilli-ciyaareedka dambe. Wakiilka 23 jirkan oo lagu magacaabo Rafaela Pimenta ayaa bishii hore la kulantay agaasimaha ciyaara Barcelona ee Deco oo ay arrintan ka wada-hadleen. (Mundo Deportivo)
Weeraryahanka Brentford iyo xulka England ee Ivan Toney oo 28 jir ah ayaa waxa doonaysa Manchester United oo qorshaheedu yahay inay la saxeexdaan xagaaga soo socda. (Fabrizio Romano)
Manchester United waxa kale oo ay doonaysaa khadka dhexe ee kooxda Wolves iyo xulka Brazil ee Joao Gomes, si uu ugu beddelo Casemiro oo 32 jir ah. (Sport)
Arsenal ayaa ka fiirsanaysa inay dalab ka gudbiso difaaca kooxda Sporting Lisbon iyo xulka Ivory Coast ee Ousmane Diomande oo 20 ji ah. (Sport)
Man United ayaa ay doonaysaa in Gareth Southgate iyo dhamaan shaqaalaha xulka qaranka England ay wada yimaaddaan Old Trafford oo si wada-jir ah loogu magacaabo tababaraha cusub iyo shaqaalaha Man Uited. (Sun)
Jose Mourinho ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu xagaaga kusoo laabto shaqada tababarenimada ee uu ka baxay horraantii sannadkan markii ay AS Roma eriday. (Fabrizio Romano)
Bayern Munich waxa ayd oonaysaa in ay lacag rikoodh jabis ah kula soo wareegto difaaca Barcelona ee Ronald Araujo oo 25 jir ah. Waxa uu noqon karaa difaacii ugu qaalisanaa taariikhda kubadda cagta. (Marca)
Liverpool iyo Bayern Munich waxa ay mid walba dhinaceeda u doonaysaa tababaraha Brighton ee Roberto de Zerbi oo ay ku dagaallami doonaan haddii ay waayaan Xabi Alonso. (Bild)
Aabaha dhalay Luis Diaz ayaa sheegay, in aanay wali luminin rajadii ahayd in wiilkiisu uu ka ciyaaro horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, inkasta oo uu haddana ku dooday inay ku faraxsan yihiin Liverpool. (Cadena SER)
Arsenal waxa ay albaabada u furtay kooxaha doonaya difaaca reer Portual ee Nuno Tavares oo 24 jir ah, kaas oo ay xagaaga iibin doonaan. (Football London)
Chelsea waxa ay dhegaysan doontaa dalabyada laga soo gudbinayso Conor Gallagher, Trevoh Chalobah iyo Armando Broja oo dhamaantood ay iibkooda diyaar u tahay xagaaga. (Football Insider)
Real Madrid waxay waddanka Argentina u dirtay masuuliyiin soo daawada wacdaraha uu samaynayo Franco Mastantuono oo ah 16 jir u dheela kooxda River Plate. (90 min)