Erik ten Hag ayaa xaalad adag wajahaya ka dib codsi ku saabsan Alejandro Garnacho oo loo soo gudbiyay ka hor xilli ciyaareedka soo socda ee 2024/25.
Garnacho ayaa ka caawiyay Man United in Sabtidii la soo dhaafay ay garaacaan Manchester City iyagoo ku guuleystay koobka FA Cup.
Sida ay sheegtay TNT Sports Argentina, xulka qaranka Argentina ayaa ka codsaday Man United inay Garnacho u ogolaadaan inuu ka tago kooxda ka hor xilli ciyaareedka cusub si uu uga qeyb galo ciyaaraha Olimbikada.
Ciyaaraha Olimbikada ayaa socon doona 26ka July ilaa 11ka Agoosto iyadoo lagu qaban doono magaalada Paris. Waxayna ku soo aadeysaa labo isbuuc ka hor bilowga xilli ciyaareedka oo Man United ay tababar sameyneyso.
Waxay tani la minco tahay in Garnacho uu heli doono kaliya hal isbuuc uu ku nasto ka hor bilowga xilli ciyaareedka Premier League, iyadoo horyaalka Premier League uu bilaaban doono 17ka bisha Agoosto.
Umana muuqato in Garnacho uu waqti hore ka soo laabto ciyaaraha Olimbikada madaama xulka tababare Javier Mascherano ugu cadcad yihiin inay ku guuleystaan bilada dahabka.
Waxaana taas ugu wacan inay doonayaan inay ciyaartooy adag la tagaan ciyaaraha Olimbikada iyadoo Mascherano uu sidoo kale dalbaday xiddiga Chelsea Enzo Fernandez iyo goolhayaha Aston Villa Emi Martinez.