Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku biirtay tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Olympique Lyonnais Rayan Cherki.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France U21, ayaa lagu heli karaa qiimo dhan 22 milyan oo euro inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, Man Utd ayaana ku soo baxday kooxaha ku tartamaya saxiixiisa sida laga soo xigtay CaughtOffside.
21-sano jirkaan ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Liverpool bilihii lasoo dhaafay, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in loo dooran karo bedelka kooxda ee Mohamed Salah, halka Tottenham Hotspur ay sidoo kale xiiseyneyso.
Liverpool iyo Man Utd ayaa labadoodaba gudbiyay dalab ku aadan saxiixa Cherki bishaan, sida laga soo xigtay CaughtOffside, inkastoo laga yaabo inay sugaan ilaa xagaaga si loo dhameystiro heshiiska.
Arsenal, Atalanta, Bayern Munich, Bayer Leverkusen iyo Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale loo arkaa inay xiiseynayaan xiddiga garabka ka ciyaara ee Cherki, iyadoo dagaalka saxiixiisa ay si weyn ugu loolamayaam Liverpool iyo Man United.
Xiddiga reer France ayaa diiwaan galiyay shan gool iyo sideed caawin 24 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waxaana laga yaabaa in la iibiyo hadii ay Lyon ku hesho 22 milyan euro ka hor dhamaadka maalinta ugu dambeysa daaqada.