Agaasimaha imaanaya Manchester United Dan Ashworth ayaa bartilmaameed ka dhiganaya labo saxiix oo kala imaanaya horyaalka Serie A marka uu suuqa kala iibsiga furmo xagaaga, waxayna ku imaanayaan qiimo aad u sareeya.
Ashworth, oo qarka u saaran inuu ku biiro United ka dib markii ay fasaxday Newcastle, ayaa la siin doonaa mas’uuliyadda dib u dhiska kooxda.
Dhab ahaantii, 57-sano jirkaan ayaa durbadiiba qorsheynaya inuu dhiso maamulayaal ka caawiya shaqada dib dhiska Old Trafford isagoo doonaya inuu ka garab shaqeeyo falanqeeynaha guud ee Chelsea Kyle Macualay.
Agaasimaha farsamada ee Ipswich Town Sam Williams ayaa sidoo kale ku jira liiska mas’uuliyiinta cusub ee United imaanaya, laakiin su’aasha ayaa weli ah – ciyaartoygee ayay isku dayi doonaan inay soo xerogeliyaan xagaagan?
Warbixin ka soo baxday InterLive ayaa soo jeedinaysa in Ashworth uu bilaabi doono ‘hawlgal xamaasad leh’ kaas oo ku lug yeelan doona xiddigo u dheela Inter Milan iyo Juventus si ay wax uga bedelaan Manchester United.
Waxaa la sheegayaa in daafaca aadka loo qiimeeyo ee Juventus Gleison Bremer inuu ugu sareeyo liiska Ashworth ka dib markii uu isku dayay inuu daafaca reer Brazil geeyo Newcastle xagaagii la soo dhaafay.
United ayaa ku qarashgareyn karta 60 milyan euro saxiixa Bremer, iyadoo 26 jirkaan daafaca ka ciyaara uu yahay xiddig uu jecel yahay agaasimaha imaanaya Man United.
Ciyaaryahanka labaad ee warbixinta lagu xusay waa xiddiga khadka dhexe ee Inter Milan Nicolo Barella kaasoo lagu qeexay inuu yahay ciyaaryahan uu si shaqsi ah u codsaday Ashworth.
Inay United ka liidato khadka dhexe waa mid la arkayay todobaadyadii ugu danbeeyay iyadoo Casemiro uu hoos u dhac soo wajahay, sidaasi darteed Barella ayaa noqon kara kumaandaha cusub ee khadka dhexe.
Barella waxaa ku dagaalami doona dhowr kooxood xagaaga, iyadoo majalada Fichajes ay sheegtay in dhowr kooxood oo Premier League ay doonayaan xiddiga Inter Milan oo ay ku jiraan Newcastle, Liverpool iyo Chelsea waxaana lagu qiimeynayaa 80 milyan euro.