Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay doonayso inay Federico Chiesa ku iibiso qiimo jaban oo ah €25 milyan, iyadoo Manchester United iyo Liverpool la sheegay inay labaduba aad u xiiseynayaan adeegiisa.
26 jirkaan ayaa u ciyaarayay Italy Euro 2024, isagoo afar kulan ka soo muuqday tartanka, laakiin ma uusan awoodin inuu ka caawiyo wadankiisa inuu ka gudbo wareega 16ka ee tartanka.
Mustaqbalka Chiesa ee heerka kooxeed ayaa dhawaanahan ahaa mid si weyn loo hadal hayay, maadaama qandaraaskiisa Marwada Cajuusta uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedka 2024-25.
Sida laga soo xigtay Tuttosport, Juventus ayaa muujisay inay diyaar u tahay inay ku fasaxdo weeraryahanka €25 Milyan, inkastoo heshiiska uu kor ugu kici karo €30 milyan marka gunnada lagu daro.
Roma ayaa ka mid ah kooxaha xiiseyneya Chiesa, laakiin sida laga soo xigtay saxafiga Matteo Moretto, xiddiga Talyaanigu wuxuu u janjeeraa inuu u dhaqaaqo horyaal kale inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Chiesa ayaa Juventus u matalay 131 jeer tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay 32 gool waxana uu diwaan galiyay 23 caawin.
Xilli ciyaareedkii hore, garabka duula ee reer Talyaani ayaa dhaliyay 10 gool, waxaana loo diwaangeliyay seddex caawin 37 kulan oo uu u saftay Old Lady, oo ay ku jiraan sagaal gool iyo seddex caawin 33 kulan oo uu saftay horyaalka Talyaaniga.
Iyadoo la tixgelinayo da’diisa iyo khibradiisa, € 25 Milyan lacag badan uma aha Chiesa.
waxay noqon doontaa mid xiiso leh in la arko kooxda uu ku biirayo inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Man United waxay u baahan tahay weeraryahan, iyadoo Bologna xiddigeeda Joshua Zirkzee loo maleynayo inuu yahay bartilmaameedkooda ugu horreeya, laakiin haddii Mason Greenwood iyo Jadon Sancho ay labaduba baxaan, Marcus Rashford uu sidoo kale dhaqaaqo, markaas laba weeraryahan oo cusub ayaa loo baahan doonaa xagaagan, iyadoo Chiesa laga yaabo in lala keeno Zirkzee. .
Haddii Chiesa uu ka baaqan maro dhaawacyada joogtada ah, waxa uu noqon karaa ciyaaryahan wax soo saar, kana soo dhalaali kara Premier League isagoo ku tiirsanaanaya xawaarihiisa iyo gambiskiisa badan.
Liverpool ayaa sidoo kale la sheegay inay doonayso inay horumariso weerarkeeda xagaagan, Chiesa ayaana noqon kara mid ku haboon Reds maadaama uu awood u leeyahay inuu ka ciyaaro boosas kala duwan oo weerar ah.