Chris Sutton ayaa sheegay in Man City ay ka bixi doonto tartanka Premier League hadii ay guuldarro ka soo gaarto Arsenal isbuucaan.
Kooxda Pep Guardiola ayaa la ciyaari doonta Gunners kulan xamaasad leh oo ka dhacaya Etihad galabnimadii Axada.
Kooxda Mikel Arteta ayaa haatan ah kooxda hogaanka heysa, haddii ay badiyaan waxay afar dhibcood ka sareyn doonaan kooxda ay xafiiltamayaan ee Man City iyagoo sidoo farqiga goolasha 11 gool ka fiican kooxda Pep Guardiola.
Chris Sutton oo horyaalka Premier League la qaaday Blackburn Rovers ayaa sheegay in Man City ay ka bixi doonto tartanka horyaalka haddii ay guuldarro la kulmaan Axada.
“Rikoodhkooda shanta kooxood ee ugu sareysa xilli ciyaareedkan waxay ka heystaan kaliya seddex dhibcood.
“Hadaad eegto Arsenal, waxay ka heystaan sideed dhibcood, Liverpool lix dhibcood, ma aheyn wax aan ku fekerayay.
“Laakiin haatan waxaa la joogaa waqtigii ay City jaanta isla heli laheyd. Haddii laga badiyo ciyaartaan, xilli ciyaareedkooda wuu soo dhamaaday.
“Haddii aad eegto xogta Man City ee xilli ciyaareedkii hore, ma gaarsiisana heerki ay joogeen waqtigaas, haddii Arsenal ay Etihad ku badiso waxay u noqon doontaa fursad ay ku qaadaan Premier League. Waxaan aaminsanahay in tartanka uu markaas ka dhaxeyn doono iyaga iyo Liverpool.”