Cavan Sullivan ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee Major Soccer League taariikhda ka dib markii uu kulankiisii ugu horeeyay u saftay Philadelphia Union ciyaartii Arbacadii ay 5-1 kaga badiyeen New England Revolution ciyaar ka dhacday Subaru Park ee Pennsylvania.
Isagoo jira kaliya 14 sano iyo 293 maalmood, Sullivan waxaa lasoo galiyay daqiiqaddii 85aad, isagoo sacab ka helay taageeryaasha ka dib markii uu jabiyay rikoorka MLS ee uu horay u dhigay Freddy Adu, kaasoo ahaa 14 sano iyo 306 maalmood markii ugu horeysay ee uu matalo DC United sanadkii 2004tii.
Adu ayaa ka falceliyay baraha bulshada Sullivan kulankiisii ugu horeeyay ee taariikhiga ah, isagoo yiri “Hambalyo Cavan Sullivan oo kulankiisii ugu horeeyay ee rikoorka jabiyay maanta.
Taasi waa rikoor adag in la jabiyo laakin wuu sameeyay wiilka.
Si fiican ayaad sameesay, nasiib wacanna ninyahow.”
Sullivan, oo sidoo kale noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa Waqooyiga Ameerika ee heerka sare ee ciyaaraha kooxeed, wuxuu ku biiray akadeemiyadda Philadelphia isagoo 10 jir ah wuxuuna taariikh kale ka sameeyay MLS bishii May markii uu saxiixay qandaraaskii ugu weynaa abid.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa horey shan kulan ugu soo bilowday kooxda 2aad Philadelphia Union ee MLS NEXT Pro, waxaana uu dhaliyay mid kasta oo ka mid ah labadiisii kulan ee ugu danbeysay ka hor inta uusan u safan kulankiisii ugu horeeyay Arbacadii, kaliya hal daqiiqo ka dib markii walaalkiis ka weyn Quinn Sullivan uu xaqiijiyay guusha isagoo dhaliyay goolkiisii shanaad ee kooxda.
Cavan ayaa loo arkaa mid ka mid ah rajada ugu fiican ee America, waxaana uu horey u ogolaaday inuu u wareego kooxda heysata horyaalka Premier League ee Manchester City, iyadoo da’yarka la filayo inuu u dhaqaaqo Etihad Stadium marka uu 18 jirsado.