Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ku biirtay tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Manuel Ugarte.
Xagaagii hore, xiddiga heerka caalami ee dalka Uruguay ayaa waxaa xiiseynayay Chelsea, kaliya wuxuu go’aansaday inuu u wareego Parc des Princes heshiis lagu sheegay 52 milyan oo ginni.
Xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee caasimada France, wadar ahaan 26 kulan ayuu kusoo bilowday iyo sideed bedel tartamada oo dhan.
Si kastaba ha ahaatee, ka dib hal sano oo kaliya oo uu ku sugnaa PSG, waxaa si weyn loo sheegay in kooxda heysata horyaalka Ligue 1 ay diyaar u tahay inay fasaxdo 23 jirkaan.
Wakiilkiisa Jorge Chijane ayaa qiray inay ku dhowdahay inay hubaal tahay in Ugarte uusan sii joogi doonin PSG, isagoo xaqiijiyay inuu jiro dagaal ku aadan saxiixiisa.
Inkasta oo uu ciyaartoygu si dabiici ah uga niyad jabi doono in aan si weyn loogu tixgalin kooxda Luis Enrique, haddana waxa ay u muuqataa in ay jiraan dhawr fursadood oo miiska saaran.
Liverpool ayaa loo aqoonsaday inay tahay meel macquul ah, halka Manchester United ay u muuqato inay isha ku hayso xaalada haddii ay dhacdo inay awood u yeelato inay la xifaaltamaan kooxaha kale ee Premier League.
Sida laga soo xigtay Le 10 Sport, Man City ayaa sidoo kale ka fiirsaneysa inay rabto inay Ugarte ku darto safkeeda ka hor dhamaadka August.
Man City Ugarte ayaa aragti ahaan u noqon kara bedelka Kalvin Phillips, sidoo kale, iyadoo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England uusan mustaqbal ku laheyn kooxda.
Halka Barcelona sidoo kale lagu tiriyi inay yihiin kuwo la dhacsan, warbixintu waxay muujineysaa in Man United ay diyaar u tahay inay Ugarte u soo bandhigto 38 milyan ginni oo lagu daray waxyaabo dheeri ah.
Erik ten Hag ayaa u muuqda inuu doonayo inuu soo gabagabeeyo heshiisyada daafaca Bayern Munich Matthijs de Ligt iyo weeraryahanka Bologna Joshua Zirkzee.