Manchester City waxay suuqa kala iibsiga xagaagan ka sameenaysa saxiixyo, iyadoo dhowr ciyaaryahan lala xiriirinayo inay u dhaqaaqi doonaan Etihad Stadium, halka ciyaaryahan oo ay waayi karaan waa Julian Alvarez.
in kooxda ay ka walaacdo bixitaanka Alvarez ayaa ah inay waqtigan hesho bedelkiisa saxda ah.
Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso.
Alvarez waxa uu Cityz ku biiray bishii August 2022.
Xilli ciyaareedkii hore Alvarez wuxuu dhaliyay 11 gool.
weeraryahanka ayaa keeyd ugu jira Erling Haaland marka loo eego booska weerarka tooska ah.
wuxuuna dareensan yahay inay ka horeeyaan Phil Foden iyo Kevin de Bruyne marka loo eego booska khadka dhexe ee weerarka, waxaana ay u badan tahay inuu aado kooxda Atletico Madrid.
Alvaro Morata uu ku biiray AC Milan maalmo uun ka dib markii uu xulkiisa kula guuleystay EURO 2024,
waxay Atletico u baahan tahay dookh kale oo weeraryahan ah oo ay ku wehliyaan Antoine Griezmann, Giuliano Simeone, Joao Felix iyo Angel Correa – Alvarez ayaana loo maleenaya inuu noqonayo bedelka Morata.