Kooxda difaacanaysa horyaalka England ee Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium kaga awood badisay Southampton kulan ka tirsan horyaalka Premier league.
City ayaa hogaanka horyaalka kala wareegtay Liverpool, inkastoo kooxda Pep Guardiola kulan ah dheertahay Reds oo la ciyaareysa habeen dambe Arsenal.
Man City ayaa waxaa goolka guusha u dhaliya 5 daqiiq kaliya markii ay soctay ciyaarta weeraryahanka Haaland kadib markii uu caawin ka helay Nunes.
Haaland goolka uu madax ku dhaliyay ayaa soo afjaray saddex kulan xiriir ah oo uusan shabaqa gaarin, laakiin mudadaas kooxdiisa waa guuleysaneysay.
Foden ayaa ku dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo City kadib markii Savinho kubad koorno ah uu soo qaada si dirqi ah looga saaray.
Daafaca City ayaan wajihin culeys badan intii ciyaartu soctay, iyadoo kubaddu inta badan ay ku maamulayeen dhaxda.
Kaamiradu waxay soo qabatay khadka dhexe dhaawacan Kevin De Bruyne oo tarabuunka fadhiya taasi oo kalsooni badan galisay jamaahiirta Sky Bule oo sugaya soo laabashada xiddigooda muhiimka ah.
Man City ayaa guushaan waxay galineysaa kalsooni badan oo ay ku qaadi karaan horyaalkii shanaad oo xiriir ah xili ciyaareedkaan.