Manchester City ayaa ku dhow inay la soo wareegto weeraryahanka RB Leipzig Dani Olmo.
26 jirkaan ayaa la fahamsan yahay inuu soo jiitay indhaha dhowr kooxood oo waaweyn oo Yurub ah, waxaana uu si weyn kor ugu qaaday sumcadiisa ka dib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Euro 2024 oo uu la qaatay xulka heysata horyaalka ee Spain.
Olmo oo ku guuleystay kabta dahabka ee tartanka euro 2024, ayaa dhaliyay saddex gool.
Tan iyo markii uu kooxda Leipzig ku biiray 2020kii, waxa uu u dhaliyay 29 gool waxaana uu diiwaan gashaday 34 caawin 148 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan.
Weerar yahanka wax ku oolka ah waxa uu la kulmay dhaawac soo gaaray ololihii 2023-24, laakiin waxa uu weli gacan ka geystay sideed gool iyo shan caawin 25 kulan oo uu saftay, isagoo ka caawiyay kooxda inay ka mid noqoto afarta sare ee Bundesliga iyo inay u soo baxday Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Olmo ayaa haatan ah mowduuc si weyn loo hadal hayo, waxaana uu qirtay bishii hore inuu ‘dhiirigelinayo’ wararka xanta ah ee la xiriirinaya dhowr kooxood oo Yurub ah.
Barcelona ayaa la rumeysan yahay inay xiiseyneyso saxiixa Olmo, kaasoo todobo sano ku qaatay nidaamka dhalinyarada ee La Masia laga soo bilaabo 2007 ilaa 2014 ka hor inta uusan ku biirin Dinamo Zagreb.
Olmo ayaa sidoo kale la sheegay inuu ku jiro raadaarka Bayern Munich, halka kooxaha sida Chelsea, Liverpool iyo Manchester United dhamaantood lala xiriirinayo weeraryahanka, laakiin hadda waxay u muuqataa in koox kale oo Premier League ah ay safka hore soo gashay.
Kooxda heysata horyaalka Ingariiska ee Man City ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta saxiixa Olmo, iyadoo wadahadaladaas ay ku saleysan yihiin in la bixiyo qiimaha lagu burburin karo qandaraaska ciyaaryahanka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Olmo uu ku wargaliyay saaxiibadiisa inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Premier League ka dib markii uu ‘ku qanciyay’ tababare Pep Guardiola.
Heshiiska ayaa hadda la rumeysan yahay inuu ‘sii kordhayo’ ilaa iyo inta labada kooxood ay ka gaari karaan heshiis ku saabsan qaab dhismeedka lacag bixinta.
Waxaan la hubin mustaqbalka xiddigo badan oo kooxda koowaad ah.
kubadsameeyaha kooxda Kevin De Bruyne ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Saudi Arabia, iyadoo 33 jirkaan uu haatan galay sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Etihad Stadium.
Ciyaartoyda sida Bernardo Silva, Jack Grealish iyo Julian Alvarez ayaa sidoo kale la saadaaliyay inay raadsan karaan daaq cusub.