Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa qaadanaysa go’aamo adag oo salka ku haya sidii ay uga bixi lahayd dhibaatada dhaqaale ee haysata, isla markaana xilli-ciyaareedkooda dambe uu u noqon lahaa mid ka duwan sida ay hadda yihiin ee koobab la’aanta ah.
Deco ayaa waxa miiska u saaran magacyada xiddigo waaweyn oo qaarkood ku sugan yihiin Camp Nou oo ay tahay in uu xal u helo mustaqbalkooda, iyadoo uu ka eegayo muhiimadda ay kooxda u leeyihiin iyo saamaynta mushaharkooda xad-dhaafka ah ee sababta u noqon karaya in kooxda la ganaaxo.
Barcelona oo la daalaa-dhacaysa duruufo dhaqaale ayaa waxa ay halis ugu jirtaa in horyaalka Spain ee LaLiga uu ganaaxo maadaama mushaharka ciyaartoydoodu uu ka badan yahay xiddigii uu horyaalka LaLiga u jeexay.
Wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa waxa uu sheegay, in Deco iyo Joan Laporta ay doonayaan in ay iibiyaan saddex ciyaartoy oo ay lacag badan ka samayn karaan, kuwaas oo ka furan kara culaysyada dhaqaale, isla markaana mushaharkoodu uu haddaba dhibaato ku yahay.
Difaaca reer Uruguay ee Ronald Araujo, khadka dhexe ee reer Netherlands ee Frenkie de Jong oo toddobaadkii qaata lacag ka badan 725,000 Euro ahna ciyaartoyga ugu mushaharka badan Yurub iyo Raphinha ayaa ay Barcelona suuqa dhigi doontaa.
Waxa kale oo ay Barcelona amaah ku diri doontaa weeraryahanka reer Brazil ee Vitor Roque oo bishii Jauary uga yimid waddanka Brazil isla markaana ay doonayeen inuu u beddelo Robert Lewandowski laakiin ay ku adkaatay inuu si fudud ula qabsado kooxda.
Warka ayaa intaa ku daray, in beddelkooda ay Barcelona la saxeexan doonto Bernardo Silva oo qandaraaskiisa Manchester City lagu burburin karayo 50 milyan oo Gini, isla markaana ogolaanaya mushahar afar shan jeer ka hooseeya midka uu Frenkie de Jong ka qaato Barcelona waqtigan, Amadou Onana, Zubimendi iyo Joshua Kimmich oo saddexduba khadka dhexe ah.