Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa shaaca ka qaaday inuusan ka maseyrsaneyn in Madrid ay la soo wareegto Kylian Mbappe. Si kastaba, waxa uu sheegay in Mbappe uu dhibaato u abuuri doono kooxda ka dhisan caasimada Spain.
Laporte ayaa sheegay in booska uu Mbappe ka ciyaari ay dhibaato u abuuri doonto Real Madrid, isagoo sheegay inay qasbanaan doonaan inay iibiyaan ciyaartooy kale si ay booska ugu baneeyaan Kylian Mbappe.
“Miyaan ka maseyrsanahay in Madrid ay la wareegto Mbappe? Maya, maya gabi ahaanba. Ma garanayo haddii ay saxiixa dhameystiri doonaan iyo haddii kale. Waan arki doonaa. Wax xog ah kama hayo kaliya waa xan.” ayuu yiri Laporta oo wareysi siiyay Mundo Deportivo.
“Dhibaato ayay u noqon doontaa iyaga, Haddii Mbappe uu yimaado waa in ciyaartooy kale la iibiso sababtoo ah labo ciyaaryahan hal boos kama wada ciyaari karto. Tirada ciyaartoyda ay heystaan ayaa sidoo kale dhibaato ka dhex abuuri doonta qolka labiska. Mbappe ma ahan hadiyad ay moodaan inuu noqonayo.”
Kylian Mbappe ayaa la filayaa inuu xagaaga si xor ah ugu wareego Real Madrid marka qandaraaskiisa Paris Saint-Germain uu dhamaado xilli ciyaareedkan.
Madrid ayaa muddo sannado ah raadineysay laacibka Faransiiska waxayna u muuqdaan inay ugu danbeyn heli doonaan xiddigooda riyada.