Nasiib-xumada Chelsea ee xilli-ciyaareedkan ayaa halkeeda kasii socota, waxaana maanta ay Blues xaqiijisay dhaawacyada laba ciyaartoy oo kale.
Chelsea ayaa waxa hadda dhaawacyo uga maqan sagaal ciyaartoy oo kooxda koowaad ah oo aan qayb ka noqon doonin kulanka horyaalka Premier League ee Sabtida ay waajahayaan Burnley, iyadoo isugeynta dhaawacyada ay Blues diiwaangelisay xilli-ciyaareedkan ay noqdeen 47 dhaawac.
Dhaawacyada ugu murada badan ee ay Chelsea aragtay waa Wesley Fofana oo sannad iyo dheeraad ka maqan garoomada, Reece James oo dhawr kulan oo kaliya ciyaaray iyo Christopher Nkunku oo xagaagii ku dhaawacmay isla markii uu soo laabtayna dib ugu noqday dhaawac.
Shalay ayay ahayd markii ay Chelsea shaacisay inuu dib u dhaawacmay Romero Lavia oo xagaagii ay kasoo iibsatay Southampton kaas oo kaliya hal kulan u saftay kooxdiisa, haddana waxa ay Blues shaacisay in ay dhaawacmeen Trevoh Chalobah iyo goolhaye Roberto Sanchez oo dib ugu noqday dhaawac uu kasoo kabtay.
Waa kuwan tirada ciyaartoyda dhaawaca kaga maqan
Christopher Nkunku – Muruqa, lamana garanayo waqtiga uu soo noqon doono
Romeo Lavia – Muruqa, waxaanu maqnaanayaa inta ka hadhay xilli-ciyaareedka.
Reece James – Muruqa, waxa la filayaa inuu bisha April soo laabto
Levi Colwill – Suul, 1illaa 2 usbuuc ayuu maqnaanayaa
Robert Sanchez – jilibka
Trevoh Chalobah – Wali faahfaahin lagama bixin dhaawaciisa
Wesley Fofana – Jilibka
Carney Chukwuemeka – Kuraanta
Lesley Ugochukwu – Muruqa