Manchester United ayaa u dhaqaaqeysa ciyaaryahanka Bayern Munich ee Leroy Sane, iyadoo xiddga uu ka tagi karo Allianz Arena.
BILD ayaa ku warameysa in United ay dooneyso saxiixa Sane suuqa kala iibsiga ee Janaayo.
Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa haatan waxaana uu diyaar u noqon doonaa inuu xor ku baxo xagaaga dambe.
Laakin Red Devils ayaa sahmineysa suurtagalnimada Sane ku keeni karto xilli hore haddii ay kala heshiiyaan qiimaha kooxdiisa suuqa January.
United ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan intii uu hogaaminayay Erik ten Hag taas oo keentay in la cayriyo macalinka reer Holland.
Ten Hag waxaa bedeli doona tababarihii hore ee Sporting CP Ruben Amorim wixii ka dambeeya November 11.
United ayaa haatan isha ku heysa inay horumar ka sameyso suuqa bisha Janaayo Amorim saxiixa ugu horeeya wuxuu ka dhigi doonaa Sane.