Tababaraha kooxda Chelsea Enzo Maresca ayaa sheegay in Enzo Fernández uusan wax niyad xumaan ah u haynin ka dib markii uu ku luqeeynayay heesta la sheegay in lagu Cunsuuriyay ciyaartoyda Faransiiska , wuxuuna ku adkeystay in dabaal dega xulkiisa uusan waxyeelo ku yeelaneenin Stamford Bridge.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa u dabaaldegay guushii Argentina ee Copa América isagoo soo bandhigay muuqaalka kooxda oo qaadaya hees cunsurinimo iyo nin jeclaysi ah oo ku saabsan hidaha qaar ka mid ah ciyaartoyda Faransiiska.
Fernandez, oo 23 jir ah, hadda waxa uu ku maqan yahay fasax waxana uu tan iyo markaas raaligelin bixiyay.
halka Chelsea ay bilawday hab edbineed gudaha ah oo ay soo saartay bayaan ay ku “garowsadeen raali gelinta xiddigan.
Chelsea ayaa ku sugan dalka Mareykanka , halkaas oo ay kawadaan isku diyaarinta xilli ciyaareedkooda cusub.
Maresca oo dhacdadii Fernandez ka hadlay ayaa yiri.
“Uma maleynayo inay jiraan wax ujeedo xun ah oo ka dambeeya, marka laga bilaabo meeshaas, aniga ahaan aad ayey iigu fududahay.
Isagaa wuxuu horay u soo saaray qoraal uu raali gelin ku bixinayo.
“Kooxdu sidaas si la mid ah ayay samaysay marka ma jiraan waxyaabo badan oo intaasi dhaafsiisan, laakiin waxa kaliya ee aan odhan karo aragtidayda oo ah in aan ku dari karo in ay dhamaantood da’yar yihiin oo ay niyad fiican leeyihin.
Waa Qof wanaagsan, Ma jirin ujeedo xun.” Ayuu yiri Maresca.
Dhawr ka mid ah asxaabta Fernandez ee Chelsea ayaa saaxiibtinimadii Instagram-ka kaga laabtay natiijadaas darteed.