Manchester United ayaa ceyrisay tababare Erik ten Hag waxaana ay si ku meel gaar ah ugu badashay caawiyihiisii Ruud van Nistelrooy.
Van Nistelrooy waxaa jeclaa taageerayaasha United shantii sano ee uu joogay isagoo ciyaartooy ah, laakiin ma lahan qibrad, isagoo kaliya hal xilli ciyaareed maamulay kooxda heer sarre ah.
Waxay u muuqataa qatar in lagu aamino kooxda, laakiin kuwa garanaya 48-sano jirka Nederlands, waxay leeyihiin “wuxuu leeyahay”, dareen xooggan iyo aragti uu wax ku maamuli karo.
Waxa uu sidoo kale gabi ahaanba jecel yahay Manchester United oo uu dhiiga usoo shubay sanado xifaaltan adag ay kula jirtay Arsenal.
Naadigu miyuu helay shaqsigii ku haboonaa ee bedeli lahaa Ten Hag mise waxay u muuqataa shaqaaleysiintiisa xalad Qatar ah?
Tababare ahaan, Van Nistelrooy waxa uu sii xajistay qalbiyada maamulka Man Utd tan iyo markii lagu soo daray shaqaalaha tababarka.
Ninka reer Holland ayaa tababare ka noqday akadeemiyada PSV markii ugu horeysay ka dib markii uu ka fariistay ciyaaryaha 2013, waxaana loo dalacsiiyay macalinka kooxda koowaad 2022.
Markii uu iska casilay 2023, isagoo ku dhameystay kaalinta labaad ee Eredivisie xilli ciyaareedkiisii kaliya ee uu maamulay kooxda, ma uusan helin wax dalab ah.
Taas beddelkeeda waxa uu sannad ku qaatay in uu wax ka barto macalimiin kale oo adduunka laga yaqaan, isagoo koorsooyin ku qaatay kooxo ay ka mid yihiin Real Madrid iyo kooxaha reer Argentine ee Boca Juniors iyo River Plate.
Marcel van der Kraan, oo ah tafatiraha ciyaaraha ee wargayska Netherland ee De Telegraaf ayaa u sheegay BBC Sport: “Ma ahan nin ka bixi kara shaqadaan marka la qiimeeyo awoodiisa.
Si guud dadka wax falanqeeya ayaa ku kala aragti duwan magcaabista Van Nestelrooy, waxaa ay qaarkood qabaan in lasiiyo fursad tijaabo ah.