Paris Saint-Germain ayaa lagu soo warramayaa in ay dalab waalli ah ka gudbisay xiddig u ciyaara Barcelona oo sidoo kalena ay doonayaan quwado kale oo reer Yurub ah oo isku dayaya inay ka faa’iidaystaan duruufaha dhaqaale ee haysta kooxda reer Spain.
PSG ayaa la sheegay in ay diyaarisay laba ciyaartoy iyo waliba lacag ay u bandhigayso Barcelona si ay uga furfurto difaaca reer Uruguay ee Ronald Araujo oo hore ay Bayern Munich ugu darsatay qorshaheeda suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga.
Sida uu qoray wargeyska El Nacional ee kasoo baxa waddanka Spain, Paris Saint-Germain ayaa waxa ay usoo bandhigtay Barcelona inay qaadato laba ciyaartoy iyo €40 milyan oo Euro oo kaash ah isla markaana ay ogolaadaan in Ronald Araujo uu ka dego Parc des Prince.
Labada ciyaartoy ee ay PSG u bandhigtay Barcelona ayaa ah Fabian Ruiz iyo Carlos Soler oo u dhashay waddanka Spain kuwaas oo ay boos la’aani ku haysato kooxdaas.
Ruiz oo 27 jir ah ayaa ku rafaaday sidii uu boos joogto ah uga heli lahaa PSG tan iyo markii ay €23 milyan oo Gini kaa soo iibsadeen Napoli xagaagii 2022, waxaana uu illaa hadda kusoo bilowday 17 kulan oo dhamaan tartamada ah xilli-ciyaareedkan isagoo dhaliyey laba gool iyo afar uu caawiye ka nqoday.