“Xitaa Saacad Ma Mudna!” – Pep Guardiola Oo Sheegay In Xiddigaha Iyo Tababarayaashiisa Aysan U Qalmin Wax Abaalmarin Ah Xilli Ciyaareedkan.
Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa si cad u sheegay in xiddigaha kooxdiisa iyo shaqaalaha tababarka aysan u qalmin wax bonus ah kaddib xilli ciyaareed niyad-jab leh.
Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ee Man City, oo sanadihii dambe si weyn ugu gacan sarreysay kubadda cagta Ingiriiska, ayaa xilli ciyaareedkan la kulantay hoos u dhac weyn. Waxay ku guuldarreysteen inay si joogto ah ugu tartamaan hanashada horyaalka, halka Champions League laga reebay xilli hore, taasoo sare u qaaday su’aalaha laga keenayo mustaqbalka kooxda.
Xitaa xiddigaha muhiimka ah sida Kevin De Bruyne ayaa lala xiriirinayaa inay kooxda ka tagayaan.
Si kastaba ha ahaatee, Manchester City waxay heli doontaa lacag aad u badan oo ka timid FIFA Club World Cup 2025, taasoo lagu qaban doono Mareykanka. Tartanka oo markii ugu horreysay loo ballaariyay 32 kooxood ayaa u balanqaadaya kooxaha Yurub abaalmarino dhaqaale oo aad u sarreeya.
City, oo ku guuleysatay Champions League 2023, waxay si toos ah ugu soo baxday tartanka, iyagoo la mid ah kooxaha waaweyn sida Chelsea, Real Madrid iyo Bayern Munich. FIFA ayaa xaqiijisay in City ay heli doonto ugu yaraan £20 milyan ($25.9 milyan) kaliya ka qeybgalka tartanka, halka kooxda guuleysata ay jeebka gashan doonto ilaa £97 milyan ($125.6 milyan)—lacagtii ugu badneyd ee abid laga bixiyo tartan kooxeed.
Laakiin marka la weydiiyay in lacagtan la heli doono ay noqon karto bonus loogu talagalay ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka, Guardiola wuxuu si adag u diiday fikraddaas.
“Xilli ciyaareedkan ma mudnin wax abaalmarin ah,” ayuu yiri Guardiola. “Haddii aan guuleysano, ma aqaan inta lacageed ee la helayo. Waa mid usoo xaroonaysa kooxda, balse aniga, shaqaalaha tababarka, iyo ciyaartoydu ma mudnin wax bonus ah—xitaa saacad ma mudnin.”
Manchester City ayaa safarkooda Club World Cup bilaabi doona June 18, iyagoo kulankooda ugu horreeya la ciyaari doona horyaalka Morocco ee Wydad Casablanca. Waxa kale oo ay isku group yihiin kooxda Al Ain iyo kooxda Talyaaniga ee Juventus.