Carlo Ancelotti ma qariyo dhibkiisa hubanti la’aanta waa uu kala hadlaa qaybo ka mid ah maamulka Real Madrid.
Ka dib markii ay hoos u dhaceen natiijooyinka kooxda, sida laga soo xigtay saxafiga Antonio Romero, tababaraha reer Talyaani ayaa dareemay in shaqadiisa su’aalo badan la galiyay, taasoo keentay inuu qaato go,aano adag.
Carada Ancelotti waxay timid ka dib markii qaab ciyaareedka kooxdu hoos u dhacay, Romero ayaa tilmaamay in Ancelotti uu ku wargaliyay maamulka in shaqadiisa loo madax baneeyo.
Wargeysyada Spain ayaa baahiyay in maamulka Real Madrid ay doonayaan in Santiago Solari si ku meel gaar ah shaqada loogu dhiibo haddii la ceyriyo tababaraha reer Talyaani.
Inkasta oo dagaal badan ka dhax jiro tababaraha iyo maamulka Real Madrid, kooxda ayaa dagaal ugu jirta hanashada horyaalka, iyadoo soo yareysay farqigii dhibcaha ay ka sareysay Barcelona.
Carlo Ancelotti halka mid ee uu maamulka Real Madrid kaga careysan yahay ayaa ah faragalinta lagu sameeyo shaqooyinkiisa kooxda, taasoo ah culeyska ugu badan waqtigaan.
Warar badan oo ay baahiyeen saxaafada Spain ayaa sidookale lagu sheegay in madaxweynaha kooxda iyo tababare Ancelotti ay isku hayaan arimo la xiriira Mbappe oo suuqii xagaaga kusoo biiray Los Blancos.