Ma Ka Tagayaa Mise Wuu Sii Joogayaa?! Fabrizio Romano Oo Xog Cusub Ka Bixiyay Mustaqbalka Sesko Ee Manchester United

Sida uu sheegay wariyaha caanka ah ee Fabrizio Romano, weeraryahanka Benjamin Sesko kama tagi doono Manchester United suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.

Weeraryahankan u dhashay dalka Slovenia ayaa lala xiriirinayay labada kooxood ee horyaalka Serie A ee AC Milan iyo Juventus, kuwaas oo horay u xiisaynayay.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan kooxaha doonaya way og yihiin inaysan suurtagal ahayn in Sesko lala soo wareego bartamaha xilli-ciyaareedkan.

23 jirkan ayaa xilli-ciyaareedkan oo dhan la dhibtooday dhaawac. Waxay u badan tahay inuu diiradda saari doono soo kabashadiisa iyo taam ahaanshihiisa, halkii uu ka fikiri lahaa inuu isaga hayaamo kooxda garoonka Old Trafford.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular