Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa qirtay inuusan jeclayn heesta ay taageerayaasha kooxda u qaadaan.
Amorim, oo si dhaqso leh kalsooni uga helay taageerayaasha Red Devils, ayaa durba ku bilaabay waayihiisa si wanaagsan, isagoo guulo xiriir ah ka gaadhay Old Trafford kulamadii ay la yeesheen Bodo/Glimt iyo Everton.
Kooxda United ayaa wajahaysa Arsenal habeenka Arbacada kulan ka dhacaya Emirates Stadium, iyadoo kulankaas uu noqon doono tijaabo adag oo kale oo ay ku cabirayaan sida kooxdu uga soo kaban karto bilowgii hoos u dhaca xilli ciyaareedkan.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyo isaga iyo taageerayaasha, Amorim ayaa sheegay inuusan ku faraxsanayn heesta loogu talagalay magaciisa oo wadata laxanka heesta caanka ah ee “Baby Give It Up” ee KC and The Sunshine Band.
“Ma jecli heesta magacayga loogu heeso. Runtii ma jecli,” ayuu yiri Amorim shirkiisa jaraa’id ka hor kulanka Arsenal.
“Waan fahamsanahay oo waan ka mahadcelinayaa xiriirka wanaagsan ee taageerayaasha, laakiin waxaan doonayaa inay taageeraan ciyaartoyda iyo kooxda, sababtoo ah iyaga ayaa ku jira garoonka. Aniga waxaan ahay macalinka oo ka shaqeeya dibadda garoonka.”
Amorim ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimada taageerayaasha ay u leeyihiin in diiradda la saaro kooxda oo dhan, si loo dhiirigeliyo ciyaartoyda si ay natiijooyin fiican u keenaan.