Weeraryahanka kooxda Liverpool iyo xulka Masar Mohamed Salah ayaa dabaaldaga uu ugu jeclyahay kubadda cagta u doortay kan Cristiano Ronaldo uu ku caan baxay ee siu.
Salah iyo Ronaldo ayaa loo arkaa laba kamid ah wweeraryahaada ugu halista badan kubbada cagta caalamka waqtigaan.
Labada ciyaaryahan ayaa dhaliyay goolal tiro badan xirfadooda ciyaareed, iyadoo Salah magaciisa uu kor u qaaday tan iyo markii uu xirtay maaliyada Liverpool.
Ronaldo waa gooldhaliyaha ugu sareeya kubada cagta caalamka isagoo in ka badan 900 gool u dhaliyay koox iyo wadan xirfadiisa ciyaareed.
CR 7 oo 39 jir ah ayaa dhaliyay 10 gool wuxuuna caawiyay 3 kale 15 kulan xilli ciyaareedkan horyaalka sacuudiga, halka dhanka kale Salah uu noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Yurub tan iyo markii uu u wareegay Liverpool 2017.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Masar ayaa loo diiwaan geliyay 221 gool iyo 99 caawin 366 kulan oo uu u saftay Reds.
Xilli ciyaareedkan, waxa uu leeyahay 10 gool iyo 10 caawin 17 kulan oo uu soo muuqday tartamada oo dhan ah.
Haddaba Salah ayaa la weydiiyay wareysi uu dhawaan bixiyay dabaal-degga uu ugu jeclyahay kubada cagta, wuxuuna ku jawaabay si layaab leh SIU oo uu ula jeedo dabaaldaga caanka ah ee Ronaldo.
Cristiano dabaaldagiisa SIU, aad ayaan uga helaa.”waa mid soo jiidasho leh” Salah oo qoslayay ayaa yiri.