Daaficii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa qirtay inuu ka xun yahay xaalada Joshua Zirkzee.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa laga saaray qeybtii hore ee guuldaradii Red Devils ka soo gaartay Newcastle Premier League.
Ferdinand, oo ah halyeyga Red Devils, ayaa rajeynaya in weeraryahanka uu ka soo kabsado dib u dhaca ku yimid islamarkaana uu helo qaab ciyaareedkiisii wacnaa ee uu hore u heystay.
Isagoo ka hadlayay Youtube-kiisa, Ferdinand ayaa muujiyay sida ay ugu adagtahay in ciyaaryahan kasta laga saaro ciyaarta qeybta hore iyo niyad jabka ay leedahay.
“Waxaan dareemayaa isaga wuxuu dareemayo, runtii aad ayaan uga warqabaa,waxaan ahay ciyaaryahan hore,” ayuu yiri daaficii hore ee England.
In uu aqbalo ciyaaryahan bedel 30 daqiiqo ee ugu horeysa ciyaarta waa wax adag oo aan la qaadan karin.
Rio Ferdinand oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in xitaa ay qeylo ka muujiyeen arinkaas taageerayaasha markii ninka reer Holland uu kasii baxayay garoonka.