Marka laga soo tago goolashii ay ka dhaliyeen Como, Romelu Lukaku, Scott McTominay, iyo David Neres ayaa si cajiib ah kula bilowday xilli ciyaareedkan Napoli iyaga oo 90 milyan oo euro ay kooxda ku maal galisay.
Napoli ayaa qaadatay 16 dhibcood todobadii kulan ee furitaanka horyaalka Serie A ee xilli ciyaareedkan, taas oo la macno ah in ay fasaxa October ku qaadan doonto hogaanka horyaalka.
Si kastaba ha ahaatee, saxiixyada cusub ayaa waxaa caawiyay taatikada Macalinka talyaaniga ee Antonio Conte.
Lukaku, McTominay iyo David Neres oo ah saddex ciyaartoy oo cusub oo kooxda ugu soo biiray lacag dhan 90 milyan oo euro xagaagii ayaa shabaqa kasoo taabtay kooxda Como iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan.
Lukaku ayaa ciyaaray 363 daqiiqo lix kulan oo uu saftay tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay 3 gool sidoo kale caawiye ka noqday 5 kale.
Belgian-ka ayaa ugu dhaqaaqay Stadio Maradona heshiis dhan €30 milyan oo uu kaga soo biiray Chelsea.
Neres, oo Benfica kaga soo biiray €28 milyan oo lagu daray €2m oo dheeri ah, ayaa laba gool iyo afar caawiye ka ahaa 139 daqiiqo gudaheed toddobo kulan oo uu ciyaaray.
McTominay waxa uu ciyaaray 299 daqiiqo shan kulan oo uu saftay waxa uu dhaliyay laba gool midna caawiye ka ahaa.
Laacibka reer Scotland ayaa Napoli kaga soo biiray Manchester United aduun dhan €30.5m xagaagii.