Luka Modrić, xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid, ayaa shaaca ka qaaday rabitaankiisa ah inuu ku dhammeysto xirfaddiisa ciyaareed kooxda caasimadda Spain. Wareysi uu siiyay barnaamijka Telefoot ee TF1, Modrić ayaa yiri: “Maanta kama fikiro ka fariisashada kubadda. Laakiin sida aan mar walba iri: waxaan jeclaan lahaa inaan ku fariisto Real Madrid, taasoo ii noqon lahayd riyo. Waan arki doonaa waxa dhaca. Weli waxaa ka haray xilli ciyaareedka wax badan waxaana doonayaa inaan diiradda saaro waxa haray, maxaa yeelay waxaa haray ciyaaro badan. Waan arki doonaa waxa dhaca. Ma jiro wax degdeg ah.”
Modrić, oo 39 jir ah, ayaa dhawaan noqday ciyaaryahanka ugu da’da weyn ee matala Real Madrid, isagoo jebiyay rikoodhkii Ferenc Puskás. Isagoo bedel ku soo galay ciyaartii ay la yeesheen Celta Vigo, Modrić ayaa muujiyay in da’du aysan saameyn ku yeelan tayadiisa garoonka dhexdiisa.
Tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti, ayaa amaanay Modrić, isagoo ku tilmaamay “Mid hadiyad u ah kubadda cagta” kadib markii uu dhaliyay gool cajiib ah kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Girona. Ancelotti ayaa sheegay in Modrić uu sii joogi doono kooxda inta uu doonayo, isagoo isbarbardhig ku sameeyay xirfaddiisa iyo ta Paolo Maldini.
Inkasta oo qandaraaskiisa uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan, Modrić ayaa muujiyay rabitaankiisa ah inuu sii wato ciyaarista, isagoo xusay inuu dareemayo caafimaad ahaan iyo maskax ahaanba farxad iyo reyn-reyn. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu doonayo inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka 2026 isagoo xiran maaliyadda Croatia, taasoo muujineysa sida ay uga go’an tahay inuu sii wado xirfaddiisa heerka sare.
Taageerayaasha Real Madrid iyo guud ahaan kubadda cagta ayaa weli ku raaxeysanaya bandhigyada Modrić, kaasoo weli ah mid ka mid ah ciyaartoyda ugu saameynta badan garoonka dhexdiisa, inkastoo uu jiro 39 sano. Waxqabadkiisa joogtada ah ayaa muujineysa in da’du aysan caqabad ku ahayn haddii ciyaaryahanku leeyahay xirfad iyo go’aan adag.