Euro 2024 ayaa soo idlaaday isbuucii hore, waxaana imika xoogga la saaray arrimaha suuqa.
Ciyaartooy badan ayaa saaran suuqa kala iibsiga oo laga dhex arkay tartanka euro2024.
Waa kuwan Lixda Xiddig ee u dhaqaaqaya horyaalka Ingariiska.
Nico Williams.
Williams ayaa bartilmaameed sare u ahaa Barcelona, laakin qaab ciyaareedka cajiibka ah ee xiddiga garabka ka ciyaara ee Spain ayaa bilaabay loolan suuqa kala iibsiga ah oo kooxo badan u galaan.
Liverpool waxay aad ula dhacday xirfada Ciyaaryahankan , halka Chelsea, Arsenal, iyo Aston Villa lagu soo waramayo inay doonayaan inay gacanta ku dhigaan.
Qiimaha lagu burburin heshiishka Williams waa ku dhawaad 46 milyan oo ginni.
Ferdi Kadioğlu
Turkiga ayaa bandhig heer sare ah ka sameeyay Euro 2024 iyadoo xulka soo jiidashada leh ee Vincenzo Montella ay gaartay afar dhammaadka.
Bandhiga Ferdi Kadioğlu, kooxo badan oo ka dhisan Premier league.
Manchester United iyo Arsenal ayaa lala xiriirinayay daafacan, waxaana laga yaabaa inuu naftiisa ku kasbado u dhaqaaqista mid ka mid ah labadaani koox.
Giorgi Mamardashvili
Wuxuu Wacdaro usoo bandhigay xulkiisa.
Wadankiisa Georgia wuxuu ka caawiyay in markeedii ugu horeysay gaartay wareega 16ka.
Newcastle ayaa si aad ah loola xiriiriyay Mamardashvili ka hor tartanka, kaasoo seddex xilli ciyaareed oo kubada cagta sare ah ku heysta Valencia isaga oo 23 jir ah welina u muuqda inuu leeyahay heerar uu ku horumariyo.
Dani Olmo
Dani Olmo ayaa si joogto ah loola xiriirinayay u wareegista mid ka mid ah kuwa ugu caansan Yurub daaqadihii dhawaa, isla markaana wararka la isla dhexmarayo ayaa u muuqda mid sii kordhaya xagaagan.
Olmo waxa uu farqi ku sameeyay ololihii guusha ee Spain ee Euro 2024, isagoo kooxda soo galay ka dib dhaawac soo gaadhay Pedri oo ka faa’idaystay fursadiisa.
Waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Isbaanishka ah ee gool ka dhaliya seddex kulan oo isku xigta oo wareega knockout-ka ah tartan weyn, isagoo ku guuleystay kabta dahabka.
Man City iyo Liverpool ayaa aad u xiisenaya.
Christoph Baumgartner
Austria ayuu la qaatay bandhig heer sare ah.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee RB Leipzig ayaa dhaliyay shan gool shan kulan oo uu u saftay xulka qaranka ka hor tartanka, waxaana uu sii watay qaab ciyaareedkiisa.
Xiddigan ayaa waxaa looga baaqaya horyaalka Premier League.
Nicks Fullkrug
Inkasta oo uu xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Borussia Dortmund uu dhaliyay 12 gool iyo siddeed caawin oo Bundesliga ah, 31 jirkaan booskiisa ayaa halis ku jira ka dib imaatinka Serhou Guirassy oo ka yimid Stuttgart.
Xiddiga Jarmalka ayaana u dhaqaaqi kara horyaalka Ingariiska.