Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa shan dhibcood ku qabatay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii ay 4-0 kusoo xasuuqday Bournemouth oo ay ku booqatay garoonka dhimashada ee Vitality Stadium, halkaas oo ay Diogo Jota iyo Darwin Nunez kusoo goolal tirsadeen.
Afar gool oo ay qaybsadeen Diogo Jota iyo Darwin Nunez oo min laba dhaliyey ayaa Liverpool siiyey saddex dhibcood oo muhiim ah oo ay kaga baxsadeen Manchester City iyo Arsenal oo kusoo dhowaanayey, waxaanay istaageen boos damaanad u qaadaya in ay kusii negaan doonaan hoggaanka Premier League.
Ciyaartan oo qaybtii hore kusoo dhamaatay goolal la’aan ayaa ay Liverpool 45 daqiiqadood ku khaarajisay Bournemouth oo difaacii adkaa uu ka burburay markii laga soo noqday waqtiga nasashada.
Darwin Nunez ayaa aftax wanaagsan u noqday Liverpool daqiiqaddii 49aad, markaas oo uu kubbad uu ka helay Diogo Jota uu dhinaca midig ka dhigay goolhaye Neto oo u muuqanayey in aanu diyaar u ahayn kubaddaas.
Weeraryahanka reer Portugal ee Diogo Jota ayaa is-raaciyey laba gool oo sagaal daqiiqadood gudahood uu ugu saxeexay Liverpool, waxaana uu shabaqa soo taabtay daqiiqadihii 70aad iyo 79aad, taas oo keentay in uu noqdo xiddigii ugu fiicnaa garoonka.
Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa uu Darwin Nunez dhaliyey goolka afraad ee Liverpool, waxaanay sidaas guushu ugu raacday 4-0.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay haysato 48 dhibcood, halka Manchester City, Arsenal iyo Aston Villa ay haystaan min 43 dhibcood.