Manchester City ayaa xiriir la sameysay kooxda Newcastle United iyagoo doonaya inay la soo wareegaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Bruno Guimaraes oo 26 sanno jir ah (AS).
Liverpool ayaa isha ku heysa inay heshiis la gaarto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka Jamal Musiala, iyadoo Bayern Munich ay 21 sanno jirkaan ku dooneyso 100 milyan ginni. (Insider Football)
Liverpool ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa inay xagaaga u dhaqaaqi doonto weeraryahanka Eintracht Frankfurt ee Masar Omar Marmoush oo 25 sanno jir ah. (Bild).
Arsenal ayaa isku diyaarinaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Brahim Diaz waxana ay diyaar u tahay in ay 60 milyan oo gini ku iibsato 24 jirkan kaas oo dhawaan mustaqbalkiisa heerka caalami u hibeeyay Morocco. (Football365)
Manchester City ayaa ogolaatay heshiis xagaaga ah oo ay kula soo saxiixaneyso 19 jirka garabka ka ciyaara ee Brazil Savio, kaasoo amaah kula jooga Girona, waxaa xiddigaan iska leh kooxda ay City bah wadagaa yihiin ee Troyes. (Insider Football)
Jurgen Klopp ayaa laga inuu qabto shaqada tababarka xulka qaranka Jarmalka, iyagoo diyaar u ah inay go’aan degdeg ah ka qaataan tababaraha ka tagaya shaqada Liverpool. (Football Transfers)
Caawiyayaasha Erik ten Hag ee van der Gaag iyo Steve McClaren ayaa wajahaya in la ceyriyo xagaaga iyadoo mustaqbalka Erik ten Hag ee Man United aan la hubin. (Daily Mail)
Manchester United ayaa la ganaaxi doonaa 10 milyan ginni sannad kasta oo ay ku guuldareystaan u soo bixitaanka Champions League taasoo qeyb ka ah hishiiska cusub ee ay la galayaan shirkada Adidas oo ku kacaya 90 milyan ginni sannadkii. (The Times)