Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa xaqiijiyay in weeraryahanka Diogo Jota ay u badan tahay inuu diyaar u yahay kooxdiisa kulanka Champions League isbuucaan ay la leeyihiin RB Leipzig.
Jota ayaa laga saaray kulankii Liverpool ka badisay Chelsea Premier League Axadii ka dib markii ay isku dhaceen Tosin Adarabioyo. waxaa bedelay Darwin Nunez, kaasoo fursad ku heli kara dhaawaca Portuguese-ka.
“Diogo inaan bedelno si aan kaga taxadirno xaaladiisa waxay aheyd wax fiican, laakiin waxaa macquul ah inuu soo muuqdo arbacada” ayuu yiri Slot ka dib kulankii Anfield.
Kalsooni badan ayaan ku qabaa kooxdan, kadib fasaxii caalamiga ahaa kooxdeenu way guuleysatay, waxaa naga maqnaa Alexis Mac Allister, booskiisa si fiican ayaa u buuxinay.
Liverpool ayaa goolka guusha waxaa u dhaliyay Curtis Jones wax yar kadib markii uu Nicolas Jackson kansalay rigoore qaybtii hore ee ciyaarta dhaliyay Mohamed Salah.
Slot ayaa qiray haddii Jota uu ka maqnaado kulanka Leipzig ay u noqon doonto kooxdiisa dharbaaxo, maadaama muhiim uu u ahaa ciyaarista lambarka sagaal ee kooxda xilli ciyaareedkan