Reds ayaa arakaysa dhammaan kooxaha ay xifaaltamaan oo xoojinaya kooxdooda suuqa kala iibsiga, waxaana ay haatan yihiin kooxda kaliya ee ka hartay Premier League oo aan weli sameynin wax saxiix ah.
Waxaa xagaagan lala xiriirinayay dhowr ciyaaryahan oo ay ku jiraan labada ciyaaryahan ee u dhashay England Anthony Gordon iyo Marc Guehi.
Si kastaba ha ahaatee, waxay la kulmeen dharbaaxo weyn oo ku aadan qiimaha , maadaama qiimaha daafaca Crystal Palace uu yahay mid aad qaali ku ah iyaga.
Kooxda Merseyside-ka ayaa doonaysa in ay xagaagan la soo saxiixato daafac cusub oo ay ku mataaneeso kabtanka kooxda ee Virgil Van Dijk.
Waxay si gaar ah u raadinayaan daafac dhexe ,waxayna muddo dheer jeclaayeen Guehi, kaasoo soo bandhigay qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa England ee Euro 2024 xagaagan.
Crystal Palace ayaa ku dalbanaysa 50 milyan oo ginni Guehi.
Kooxaha Premier League sida Arsenal, Manchester United iyo Newcastle United ayaa dhamaantood xiiseynayay saxiixa daafaca dhexe ee tayada leh.
Newcastle United ayaa ku gacan saraysa saxiixa daafaca iyaga oo sameeyay dhaqaaqii ugu horeeyay ee ay Guehi ku geeynayan St James’ Park.
Eddie Howe wuxuu u baahan yahay daafac dhexe oo adag Guehi waa qof uu bartilmaameedsanayo si uu u horumariyo tayada kooxdiisa.
Laacibkii hore ee Chelsea waa daafac dhexe oo la isku halayn karo, waxaana uu taas muujiyay xilli ciyaareedkii hore iyo sidoo kale Euro xagaagan.