Arne Slot iyo Kooxdiisa Liverpool ayaa guul muhiim ah waxay ka gaareen Kooxda Crystal Palace kadib ciyaar qurux badan oo ka dhacday Selhurst Park.
Gool uu daqiiqadii 9aad dhaliyay Diogo Jota ayaa ku filnaatay Reds inay guul ka gaarto Crystal Palace.
Liverpool ayaa haatan hogaanka ku heysa 18 dhibcood.
Liverpool ayaa ilaa hadda hal kulan laga badiyay horyaalka Premier league laakiin Crystal Palace ayaan wax guul ah gaadhin iyada oo guuldaradii afraad soo gaadhay todobadii kulan ee ay ciyaartay.
Crystal Palace ayaa shabaqa soo taabatay balse Eddie Nketiah ayaa laga diiday offside ahaan, halka Ismaila Sarr uu si fiican kubad uga badbaadiyay goolhaye Alisson wax yar ka hor qaybta nasashada.
Guushaan ayaa la micno ah in Liverpool ay afar dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaanka horyaalka.
Dhanka kale Palace ayaa aruursatay 3 dhibcood 7 kulan oo ay ciyaartay.
Xilligii Jurgen Klopp ka dib Liverpool si fiican uma socon karin, waxaana guushan ay sii wadday Arne Slot oo si cajiib ah ku bilowday isagoo tababare ah.
Kooxdiisa Reds ayaa badisay dhammaan afartii kulan ee ay martida ahaayeen horyaalka ilaa haatan xilli ciyaareedkan , waana markii saddexaad oo ay sidaas sameeyaan taariikhdooda.
Slot ayaa sidoo kale noqday tababarihii afaraad ee taariikhda Premier League ee badiyay mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu horeyay ee uu ku ciyaaray meel ka baxsan tartanka, ka dib Felipe Scolari (sideed kulan), John Gregory (shan) iyo Bobby Gould (afar).
Walaaca ugu weyn ee Liverpool ayaa noqon doona dhaawaca soo gaaray Alisson, kaasoo u muuqday mid niyad jabay ka dib markii uu dhaawac soo gaaray.