Liverpool waxay isku diyaarinayaan mid ka mid ah kulamadooda ugu waa weyn xilli ciyaareedkan marka ay wajahaan Everton sabtida kulan ka tirsan Merseyside Derby.
Reds ayaa kulanka ciyaareysa kadib markii guulahoodii toddobada kulan ee xiriirka ahaa uu soo dhammaaday kaddib barbaro 3-3 ah oo xiiso leh oo ay la galeen Newcastle United. Tani waxay ka dhigan tahay in hoggaanka Arne Slot ee miiska Premier League uu hoos uga soo dhacay toddobo dhibcood, mana doonayaan inay u oggolaadaan Everton inay guul ka gaarto kulanka derby-ga ugu dambeeya ee Goodison Park, iyaga oo sidoo kale ka ilaalinaya Arsenal iyo Chelsea inay ka faa’iideystaan tartanka horyaalka.
Waxaa la ogaaday xilliga garoomada ay kusoo laabanayaan Qaar kamid Ah Xiddigaha Liverpool.
Diogo Jota – feeraha
Weeraryahanka ayaa ku dhaawacmay qeybtii hore ee guushii 2-1 ee ay ka gaareen Chelsea labo bilood kahor. Waxa uu ku soo laabtay tababarka, balse wali lama tixgelin inuu diyaar yahay.
Kulanka suurtogalka ah ee uu ku soo laaban karo: Everton (A), Sabtida 7-da Diseembar.
Alisson Becker – muruqa lugta dambe (hamstring)
Goolhayaha ayaa seegay 13 kulan kaddib dhaawac ka soo gaaray guushii 1-0 ee Crystal Palace bishii October. Inkastoo uu ku soo laabtay tababarka, Slot ayaa sheegay in aysan ku degdegayn soo celintiisa.
Kulanka suurtogalka ah ee uu ku soo laaban karo: Newcastle (A), Arbacada 4-ta Diseembar.
Federico Chiesa – muruqa
Garabka Talyaaniga ayaa ciyaaray saddex kulan oo kaliya tan iyo markii uu xagaagii uga soo biiray Juventus. Waxa uu gool dhaliyay kulankii u-21 ee uu ciyaaray habeenkii Newcastle, waxaana la qiimeyn doonaa xaaladdiisa.
Kulanka suurtogalka ah ee uu ku soo laaban karo: Everton (A), Sabtida 7-da Diseembar ama Girona (A), Talaadada 10-ka Diseembar.
Kostas Tsimikas – canqowga
Difaaca bidix ayaa seegay saddexdii kulan ee ugu dambeysay, isagoo lagu arkay kabo boolis iyo ul. Lama filayo inuu diyaar u ahaado kulanka Everton.
Kulanka suurtogalka ah ee uu ku soo laaban karo: Girona (A), Talaadada 10-ka Diseembar.
Alexis Mac Allister – ganaax
Qadka dhexe ee Argentina ayaa ganaax hal kulan ku seegi doona Premier League kaddib markii uu jaale shanaad qaatay kulankii Newcastle. Sidoo kale, Champions League kulanka Girona ayuu maqnaan doonaa.
Kulanka uu soo laabanayo: Fulham (H), Sabtida 14-ka Diseembar.
Ibrahima Konate – jilibka
Difaaca dhexe oo si heer sare ah ula ciyaaray Virgil van Dijk ayaa hadda ku jira daaweyn. Wuxuu seegi doonaa kulamo dhowr ah oo muhiim ah.
Kulanka suurtogalka ah ee uu ku soo laaban karo: Lama hubo.
Conor Bradley – muruqa lugta dambe (hamstring)
Waxqabadkiisii weynaa ee kulankii 2-0 ee Real Madrid ayuu ku dhaawacmay qeybtii dambe ee ciyaarta. Waxa uu maqnaan doonaa in muddo ah.
Kulanka suurtogalka ah ee uu ku soo laaban karo: Lama hubo.