Borussia Dortmund ayaa la filayaa inay dib u soo cusbooneysiiso xiisihii ay u qabtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool, Harvey Elliott, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, halka Newcastle United ay sidoo kale si dhow ula socoto xaaladdiisa.
Dortmund, oo horey xiiseyn u muujisay bishii Janaayo, ayaa markan u muuqata mid hogaamin doonta tartanka loogu jiro saxiixa Elliott, kaasoo la filayo inuu noqdo mid xiiso u leh kooxaha waaweyn ee Jarmalka xagaagan.
Si kastaba, halyeyga Liverpool ee Xabi Alonso, oo hadda macallin u ah Bayer Leverkusen, ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu Elliott ku soo jiito fursadda uu ku ciyaari karo Champions League. Warbixinta Mirror ayaa sidoo kale sheegeysa in Newcastle ay dooneyso inay xoojiso garabka midig ee weerarka, waxayna si dhow ula socotaa xaaladda Elliott.
Ciyaaryahanka da’da yar ee 22 jirka ah, oo sidoo kale ay isha ku hayaan Brighton, waxa uu ku jiraa labo sano oo uga hartay qandaraaskiisa Anfield, iyadoo la filayo in wadahadallo kordhin ah la bilaabo xagaaga. Haddii wadahadalladaas fashilmaan, dad u dhow Elliott ayaa durba sheegay in Liverpool ay ku qiimeyn karto £45 milyan.
Xiriirka Elliott uu la leeyahay wakaalad fadhigeedu yahay Jarmalka oo lagu magacaabo ROOF ayaa noqon kara mid saameyn weyn yeesha haddii uu ciyaaryahanku dareemo inuusan mustaqbal fog ku lahayn Liverpool. Iyadoo Liverpool ay maanta wajaheyso kooxda Fulham, Elliott—oo horey uga tirsanaa da’yarta Fulham—weli ma uusan ku bilaaban kulan Premier League ah tan iyo markii Arne Slot uu noqday tababaraha Reds.