Liverpool ayaa la filayaa inay guusha ka gaarto tartanka loogu jiro saxiixa daafaca Crystal Palace, Marc Guehi, xilli ay Newcastle United sidoo kale ku guuldarreysaneyso helitaankiisa.
Sida ay wararku sheegayaan, Liverpool ayaa hadda hoggaanka u heysa saxiixa daafacan 24-jirka ah, iyadoo heshiis la filayo in la dhameystiro xagaagan. Wargeyska The Mirror ayaa sheegaya in kooxda ugu weyn ee Reds kula tartameysa saxiixiisa ay tahay Chelsea, inkastoo Manchester City, Arsenal, iyo Tottenham laga yaabo inay xiise goor dambe u muujiyaan.
Guehi wuxuu noqon karaa beddelka tooska ah ee Virgil van Dijk, kaasoo toddobaadkan sheegay inuusan hubin halka uu mustaqbalka ka ciyaari doono. Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ma heli doonto xiddigan England u ciyaara oo qiimo jaban, maadaama uu Palace kula jiro qandaraas dhacaya 2026.
Warbixintu waxay intaa ku dartay in Newcastle ay aqbashay in looga awood roonaaday tartanka loogu jiro Guehi, iyadoo ay xagaagii hore u bandhigtay Palace dalab ka badan £60 milyan ($77.6m/€71m), balse ay ku guuldareysatay inay la saxiixato.
Liverpool iyo Newcastle, oo ah labada kooxood ee ugu waaweyn ee daneynayay Guehi, ayaa Axadda isku wajihi doona final-ka Carabao Cup oo ka dhacaya Wembley.