Liverpool ayaa diyaar u ah inay xagaagan iska fasaxdo Darwin Nunez, maadaama kooxda ay durba bilowday qorshaha xilli-ciyaareedka soo socda.
Sida uu sheegay Mick Brown, oo horey uga tirsanaa waaxda baadhitaanka ciyaartoyda ee Manchester United iyo Blackburn, lacagta laga helo iibka Nunez ayaa loo adeegsan doonaa keenista weeraryahan cusub.
Atletico Madrid ayaa ah kooxda ugu dambeysay ee lala xiriirinayo Nunez, iyadoo fursadda uu kula shaqeyn karo tababare Diego Simeone loo arko mid ku habboon mustaqbalkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Atletico Madrid waa inay buuxiso qiimaha sare ee Liverpool dul dhigtay, maadaama Reds aysan diyaar u ahayn inay si fudud u fasaxdo 25-jirkan.
Football Insider ayaa bishii Janaayo shaacisay in Liverpool ay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada u dhexeeya £50-60 milyan oo gini, iyadoo xiisaha kooxaha Premier League iyo qaarada Yurub sii kordhayay.
Marka uu Nunez baxo, Liverpool ayaa diiradda saari doonta xiddigo cusub, iyagoo bartilmaameedsanaya Alexander Isak oo ka tirsan Newcastle iyo Harry Kane oo Bayern Munich u ciyaara.
Football Insider ayaa 15-kii Maarso shaacisay in Nunez uu doonayo inuu ka tago Liverpool, maadaama uu ka carooday markii kooxda ay hor istaagtay u dhaqaaqistiisa Al-Hilal xagaagii hore.
Mick Brown, oo khibrad dheer u leh baadhitaanka ciyaartoyda heerka sare, ayaa sheegay in ku biirista Atletico Madrid ay tahay go’aanka ugu fiican ee dhammaan dhinacyada.
“Liverpool waxay go’aan ka gaaraysaa waxa ay u baahan tahay xilli-ciyaareedka dambe,” ayuu u sheegay Football Insider.
“Waxay dareemayaan inay u baahan yihiin horumarin weerarka, gaar ahaan booska Nunez.”
“Ciyaartoydan waxay ahayd inay ka faa’iideystaan awoodda guud ee kooxda, balse marka taasi meesha ka baxdo, waxay u muuqdaan daciif.”
“Waxaan maqlay in Liverpool ay diyaar u tahay inay iska fasaxdo Nunez si ay lacag u helaan oo ay weeraryahan cusub u keenaan.”
“Atletico Madrid ayaa xiiso u qabta, waana u maleynayaa inuu noqon karo go’aan sax ah.”
“Diego Simeone waa tababare aad u fiican, waxaana la ogyahay in ciyaartoydiisa bandhigyadooda uu kasoo saaro mid wanaagsan.”
“Haddii Atletico ay awooddo inay la timaado lacagta Liverpool dooneyso – mana filayo inay yareyn doonaan qiimaha – markaas waxay noqon doontaa heshiis faa’iido u leh dhammaan dhinacyada.”