Liverpool ayaa ku dhow inay dhammaystirto saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Sevilla, Loïc Badé, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga jiilaalka, sida ay ku warrantay warbaahinta Isbaanishka ee Todofichajes.
Hoggaamiyaha Reds, Virgil van Dijk, ayaa qandaraaskiisu dhammaanayaa xagaaga soo aaddan, iyadoo weli la sugi la’yahay in heshiis cusub lala gaaro. 33 jir kan ayaan heysan fursad Sanado badan oo uu kusii wadi karo ka ciyaaridda heerka sare. Liverpool ayaa diiradda saareysa iney durba sii raadsato beddel ku habboon kabtankeeda.
Liverpool waxay durba qaaday tallaabooyin horudhac ah oo lagu raadinayo badelka ku habboon Van dijk, iyadoo warbixinadu sheegayaan in kooxda Merseyside ay meel fiican marineyso wadahadallada ay kula jirto Badé, kaasoo noqon kara ciyaaryahan Liverpool bisha Janaayo haddii wax walba ay si fiican u socdaan.
Inkasta oo uu si joogto ah ugu ciyaaray kooxda Los Nervionenses xilli ciyaareedkan, haddana kooxda Sevilla ayaa la il daran dhibaatooyin dhaqaale oo ka jira waaxda ciyaaraha taasoo keeni karta iibinta daafaca, sida lagu sheegay warbixinta.
Warbaahinta Isbaanishka ayaa sidoo kale sheegtay in agaasimaha ciyaaraha ee Sevilla, Víctor Orta, uu durba raadinayo beddelka daafacan Faransiiska ah, iyadoo Liverpool ay u muuqato mid kaga horreysa Bayern Munich saxiixa ciyaaryahanka.
Badé wuxuu wali heystaa qandaraas uu ku sii joogayo garoonka Ramón Sánchez-Pizjuán ilaa xagaaga 2029, waxaana Sevilla ay ku qiimeysay qarashka lagu heli karo daafaca €30 milyan (£25 milyan). Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa sheegaysa in Liverpool ay heshiis la gaartay 24 jirkan iyadoo heshiisku gaarayo qiyaastii €25 milyan (£20 milyan).
Liverpool waxay isu diyaarineysaa suuragalnimada Virgil van Dijk uu kaga tagayo kooxda haddii uusan sameyn qandaraas kordhin.