Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa qarka u saaran inay heshiis la gaadho ninka ay u doorteen inuu dibu-dhiska ku sameeyo kooxda marka uu ka baxo Anfield tababare Jurgen Klopp oo shaaciyey in marka uu dhamaysto xilli-ciyaareedkan uu macasalaamayn doono naadiga.
Liverpool ayaa waxa kale oo ka tegaya tababare ku-xigeennada iyo agaasimaha ciyaaraha, waxaanay hadda raacdo ugu jiraan tababare iyo agaasime maamula iibka iyo hawlaha ciyaareed ee naadiga.
Mulkiileyaasha Liverpool ayaa waxa ay wada-hadallo dhamaad ku dhow kula jiraan Michael Edwards oo sannadkii 2022 iska casilay xilkaas oo uu soo hayey muddo dheer, isla markaana ahaa sirtii ka dambaysay guulihii ay Liverpool gaadhay intii uu joogay Klopp iyo waliba saxeexyadii caqliga ku dhisnaa ee ay lasoo wareegeen.
Chelsea iyo kooxo badan oo kale ayaa Michael Edwards isku dayey inay la saxeexdaan oo ay waliba lacago badan siiyaan, laakiin sida uu qoray wargeyska The Athletic, waxa hadda uu khabiirkan 44 jirka ah kusoo laabanayaa Anfield oo uu mar kale hoggaamin doono.
Shaqada ugu horreysa ee Michael Edwards uu qaban doono marka la magacaabo ayaa ah inuu kooxda keeno tababare cusub iyo ku-xigeennadiisa, kaddibna ka shaqeeyo suuqa iibka xagaaga soo socda.
Liverpool ayaa haddii ay weydo Michael Edwards waxa u calaamadsanaa Richard Hughes oo isla xilkaas oo kale ka haya Bournemouth laakiin dhowaan shaaciyey inuu ka tegayo kooxdaas dhamaadka xilli-ciyaareedka.