Xiddigii hore ee Manchester United, Dwight Yorke, ayaa saadaaliyay in weeraryahanka Chelsea, Cole Palmer, uu noqon karo badalka Mohamed Salah ee Liverpool.
Palmer oo 22 jir ah ayaa loo arkaa ciyaaryahanka ugu fiican Chelsea xilli-ciyaareedkan, maadaama uu soo bandhigay dadaal iyo joogtayn toos ah xillu ciyaareedkan. Si kastaba ha ahaatee, hoos u dhac ku yimid labadii bilood ee ugu dambeysay ayaa su’aal geliyay mustaqbalkiisa kooxda Blues.
Si kastaba ha ahaatee, Yorke ayaa u sheegay CasinoBeats in uusan u malayneyn in Palmer uu si xoog ah ugu riixi doono Chelsea inuu baxo xagaagan, xitaa haddii Chelsea aysan u soo bixin UEFA Champions League.
“Ma u eka qof si qasab ah uga tagi doona Chelsea haddii ay ka maqnaadaan Champions League hal xilli-ciyaareed,” ayuu yiri Yorke. “Weli aad ayuu u yar yahay, wuxuuna halkaan u yimid si uu mustaqbalkiisa u badbaadiyo, isagoo noqday xiddiga ugu muhiimsan kooxda. Maxaad uga tagaysaa naadi aad ku noqotay xiddiga ugu sareeya?”
“Haddii uu baxo, xaggee ayuu aadi karaa oo uu mar kale hoggaamiye ka noqon karaa? Liverpool? Waxaa laga yaabaa. Manchester United? Wuxuu sheegay inuu taageere u yahay, laakiin ma aadayo maadaama uu asal ahaan kasoo jeedo Manchester City.”
“Kaddib Arsenal? Ma aadayo halkaas, maxaa yeelay Bukayo Saka ayaa jooga. Liverpool waxay noqon kartaa ikhtiyaar haddii Mo Salah baxo, markaas waxaa laga yaabaa inay ka fiirsadaan inay la soo saxiixdaan.”
Palmer ayaa si weyn uga soo muuqday Chelsea tan iyo markii uu £42.5 milyan kaga soo wareegay Manchester City, isagoo dhaliyay goolal muhiim ah xilli-ciyaareedkan. Waxaa la arki doonaa haddii Liverpool ay u aragto badalka mustaqbalka ee Salah.